marsanews.com
Adeeg La’aanta Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Oo Xiliyada Qaar Sababa Khataraha Nafo Badan Oo Si Sahlan Lagu Badbaadin Kari Lahaa
January 19, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Baahiyaha aasaasiga ah ee bulsho waxa kaalmaha koowad kaga jira waa helista adeegyada caafimaad oo samata-bixin u noqda bukaan jiifka ay la soo daristo xaaladaha caafimaad daro.

Bulsho koriinkeeda iyo wax barashadeeda ama horumarkeeda waxa halbawle u ah waa hadba sida uu yahay adeegeeda caafimaad.

Magaalada hargaysa oo uu ku yaalo cusbitaalka guud ee dawlada oo isagu ah mid aan wax sii durugsan u jirin aqalka dalka looga arimiyo, islamarkaana ah cusbitaalka qudha ee shacbiwaynaha reer somaliland ulashadooda baahiyaha caafimaad ku xidhan tahay ayaa ah mid u muuqda goob Xadro ah amaba cilaaj ay dhex daadsan yhiin bukaan jiif aad u tiro badan, oo la daaladhacaaya, xanuunada kala duwan ee la soo darsay.

Cusbitaalka guud ee hargaysa, ma laha oo kama helaysid adeegii caafimaad ee bukaan jiifkani ay u baahnaayeen xitaa inta ugu yar haday tahay dawo, uu dhakhtarka xiliyada kooban soo mara bukaanku uu u qoro qofka buka, oo waxa lagu odhanayaa orod oo ka soo iibso farmasiga.

Waxa aan la hilmaami karin Oxygen oo ah waxyaalaha ugu mihiimsan ee qofka ku jira xaalada degdega ah ama neef qabatawgu hayo in aan laga heli karin oo sida aynu la wada socono ay ahayd maalintii shalay in ilmo yari ugu dhintay bilaa Oxygen.

Waxa maanta muuqbaahiyaha wararka ka soo dhex muuqday agaasimaha cusbitaalka hargaysa oo si sahlan oo aan kurbo badan lahayn uga waramayay baahiyaha cusbitaalka islamarkaana hadalkiisa ku soo daray in oxygen la’aani ay jirto, taasi oo ku tusaysa, dhab ahaan xalada rasmiga ah ee uu ku sugan yahay cusbitaalku.

Hogaamiyaha hogaanka talada dalka haya waa madaxwayne biixi-ye ayaa dhawaan xili habeenimo ah kormeer ku tagay cusbitaalka guud kiyoo soo indho=indhaynayay xaalada rasmiga ah ee cusbitaalka iyo waliba baahiyaha ka jira goobtaasi, isagoo ay masuuliyiinta cusbitaalku warbixino ka siiyeen balse aanay ugu waramin xaqiiqda dhabta ah iyo dayaca guud ee meesha ka jira, waxse taa badalkeeda ay u sheegeen in wax kastaaba sax yhiin marka laga reebo dalabyo kooban oo qalab ah, kuwaas oo uu maantaba agaasimaha cusbitaalku sheegayay inay madaxwaynaha ka dalbadeen.

Masuuliyada u hagar baxa cusbitaalku waa mid u baahan xilkasnimo iyo aqoon maamul oo ka reeban tahay hagrasho ama kartidaro iyo musuqmaasuqba maadamo uu yahay halbawlaha bulshada, oo aanu galikarin mugdi iyo madmadaw midnaba.

Helista xogaha dhabta ah ee xaalada bukaan jiifka iyo badqabka hanaanka maamul ee usbitaalku waa mid ogaalkeeda ay dhakada ka saaran tahay wasaarada caafimaadka, oo ah inay kula xisaabtanto masuuliyiinta wakiilaada uga ah goob kastoo caafimaad, waxa iyana taa dhigeeda ah oo masuuliyada guud leh madaxwaynaha oo ay tahay inuu cugashadiisa masuuliyiinta uu u igmanayo xilalka xasaasiga ah noqdo mid dhugmo u yeesha kuna dabagala si loo helo shaqo hufan oo isla xisaabtan leh

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews