Sanadkii 1996kii ayuu wariye cawke ku biiray laanta afka somaliga ee idaacada bbc-da, halkaas oo uu ka shaqaynayay ilaa 2008-dii
isla sanadkaasi waxa kale oo uu ku biiray kana soo shaqeeyay idaacada afka somaliga ee VOA-da, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay telifishanada afka somaliga ku hadla ee horn cable tv, universal, tv, iyo waliba somaliland national tv.
Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo warfaafinta. Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka. Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.
Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa meel ku lahayn waxa loo yaqaan fal-ka-nax, Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo ama ugu yaraan intaa uu hadlayo uu maskaxda ka qabsan jiray.
Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, si wanaagsan uu u tabin jiray, hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo.
Codkaas ma ahayn oo keliya inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku taxani mid ay qiran oo kaliya, balse Waxa iyana qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal. Waa farsamayaqaannadii wiilasha iyo gabdhahaba lahaa ee ajaanabkii ka wahlgali jiray istuudiyayaasha BBC.
Taas ayaana keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac uun ku kooban ama u badan. Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha, waxbarashada iyo dunida ama madaddaalada.
Axmed xasan cawke alle naxariistii jano haka waraabiyee waxa uu xaqii ku yimid 17/11/2015-kii oo haatan laga joogo afar sano.
Marxuun cawke waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo oo qabriga u waasiciyo.