marsanews.com
Amb, Baashe Cawil Aniga Layma Xidhin Ee Waxaan Idin Leeyahay, Hakaraama Seegina Habaar Laygu Kari-waaye
May 21, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Saaqidnimada iyo koriin-la’aanta ka aradan bisaylka siyaasadeed waxa ay keenta inay ku dhaxal-siiso qaladaad siyaasiya iyo humaag aan jirin oo sida dhalanteedka isugu kaa sawira.

Waxa aan shaki ku jirin faafinta wararka beenta ah ee xaqiiqda ka fog inay yihiin kuwo maamulka somaliya ay miciin ka dhigato, kadib markii ay tahli kari wayday sugida xasiloonida abniga umada ay sheegto inay matasho, iyo waliba hanashada dhulka ay ka taliso, oo aan ahayn mid gacantooda ku jira basle dawlada afrikan ahi ku ilaaliyaan, waana waxyaabaha ku kalifa inay waji-gabaxa gabood uga dhigtaan beenta iyo khayaaliga ay shubayaan.

Safiirka somaliland u fadhiya wadanka kenya Ambassoder Baashe Cawil oo ku sugan wadanka isu-taga imaaradka carabta oo warar been ah ay maamulkaasi iyo gacan yarayaashooda warbaahinta uga hawlgalaa ay ka baahiyeen war aan jirin ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlaya beenta iyo khayaaliga ay isku maaweelinayaan, qoraalkaas oo u dhignaa sidan:

Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo.

Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya,
Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacday xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah.

Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa qarnigii 18aad soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay.

ALLAA MAHAD LEH.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews