marsanews.com
Aqoon-yahan, Suxufi, Abwaan Iyo Madaxda Dhaqanku Ma Waxay Kala Garan La Waayeen Mucaaridada Shaqsiga Ah Iyo Qadiyada Masayriga Ah Ee S/land
April 7, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Guud ahaan ba bulshada reer somaliland waxa jahawareer ku riday, rag sheegta aqoon-yahan, suxufi, awbaan iyo madax dhaqameed aad badiba moodo inay isaga qaldantay mucaaridadii xukuumada iyo qadiyadii masayriga ahayd ee madax banaanida somaliland.

Aqoon-yahan

Waxaad arkaysaa nin sheeganaya inuu yahay aqoon-yahan oo mucaaridad shaqsi ah oo uu si sahlan ugu cabirikarayo aragtidiisa kuna soo bandhigi karayo oo bulshada uga soo tabin karo warbaahinta iyo madalaha kale ee bulshadu ku kulanto nooc kastoo ay tahay ba inuu hadana ka door bidayo oo ka majaro habaabayo habkii iyo hilinkii aqoonta ee farayay dhawrista cilmiga ku duugan ee uu sheeganayo, islamarkaana macaaridadii u qaatay ama uba fahmay inay tahay mid lagu baabiiyo qaran dhan iyo masayrkii, waana mida ku tusaysa inuu na ahayn aqoon-yahan ee uu yahay aqoon-laawe, waayo? aqoon-yahanku waaka leh curinta iyo hal-abuurka bulsho loogu jaangooyo hadba halka horumarkoodu uu yaalo, ee maaha mid isaga iskaga qaldanta qaranimo iyo qof necbaysi.

Suxufi

Suxufigu waa tabiye dhacdo wareed iyo waliba baadhe dabagala hadba waxii umadiisa dibin daabyaynaya, waana mid toosha ku qabta waxkasta oo qarankiisa iyo shacbigiisaba lidi ku ah, islamarkaana umada u soo bandhiga hadba sida ay wax u socdaan, laakiin maaha mid isagu qarankiisa iyo umadiisa ama dalkiisaba weerar ku noqda, suxufigu waxaanu dhexdhexaad ka noqon karin waa qaranimada iyo diintiisa labadaa midna uma banaana inuu wax kale la wadaajiyo, haatan se waxaad arkaysa saxafi isagii aad moodo inuu qarankiisu duulimaad ku yahay oo uu ka doorbidayo dacaayadaha raqiiska ah ee cadawga dalku ay meelaha ka shubaan inuu umada u soo tabiyo kiyoo isleh hebel ayaad wax ku yeelaysa, halkaana waxa kaaga cadaanaysa inaanu ahayn suxufi ee uu yahay caroog la isticmaalayo oo laga dhex hadlayo.

Abwaan

Abwaanku waa hal-abuur rabi hibo u siiyay inuu curiyo suugaan iyo murti uu ku gudbinayo fariin taas oo noqon karta mid togan ama taban labadaas ba, balse abwaanka wadaniga ah ee lexejeclada ka qaba qarankiisa waa ka hibada alle siiyay ee xigmadaysan uga faaiideeya umadiisa iyo dalkiisaba ee maaha midka shaqsiga uuna la haysan ee aragtiyaha uu qabo aanay wadaagin maaha mid suugaanta ku weerara ama ay iskaga qaldanto qaranimada iyo qofnimadu, haatan se abwaanka sabanku isagu si sahlan ayaabu qarankiisa ku iibgaynayaa oo waxa uu u yaqaanaba suugaanta inay tahay mid wax lagu weeraro hadiiba ay xitaa sidaa tahay lama fogaanayee qarankiisu ayuu u adeegsanayaa sidii uu ugu curyaamin lahaa, isagoo hada waxa uu diidan yahayna aanay shaqsiyaad iyo muraad gaaban ba dhaafsiisnayn.

Madax dhaqameedka

Madaxda dhaqanka waxa lagu yaqaanay oo ay milgo iyo maamuusba ku lahaayeen waxay ahayd geedka hoostiisa, oo ay reeraha ugu talin jireen, ee may ahayn kuwo suuqa yaacaya oo arinkasta soo dhexgala, waxayse ahaayeen kuwo iyaga la raadsado ee aan iyagu wax raadsan, waxay ahaayeen, kuwo bulshadu ama reeraha ay ka soo jeedaan ee ay cumaamada u sidaan ay u baahato ee aan iyagu u baahanin, balse sabankan aynu joogno waxay noqdeen kuwo sida daadka mulacyaynaya meelkasta oo waxa biiyay oo ay ku mameen laaluush iyo wax daran oo hore xaaran uga ahaan jiray, waxay qayb ka noqdeen oo ay ku dhex milmeen siyaasadii oo iyadu ah mid gadgadoon badan oo hadba dhinac isu rogta, taasina waa waxyaalaha ugu waawayn ee galaaftay karaamadii sandaladaha lagu ogaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews