marsanews.com
Aqoon-yahanka Iyo Siyaasiyiinta Ku Xeeran Madaxwayne Biixi Ma Yihiin Kooxdii Dalka Kala Dabaalan Kari Lahayd Khilaafaadka Siyaasadeed Ee Hawada Ku Shareeran
June 29, 2018 - Written by editor marsan

Hagaisa:(Marsanews) Madaxwayne kasta oo wadamada caalamka ka arimiya waxa uu noqdaa una eekaada hadba cida ku xeeran sida ay tahay.

Xukuumada madaxwayne biixi ee haatan hogaanka ,dalka mayalka u haysa aqoon-yahankii ku xeernaa waxay ay noqdeen dhalinyaro farabadan oo uu madaxwayne Muuse Biixi u cugtay hogaaminta talada dalka inay la wadaan, kuwaas oo ah golahiisa wasiirada oo badiba aan lahayn waayo-aragnimo iyo xeelado siyaasadeed oo dalka ka sabato-saari kara gufaacooyinka siyaasadeed ee xiligan taagan.

Doorashadii 2017ka ka dib markii hogaaminta talada dalka loo dhaariyay madaxwayne Muuse Biixi cabdi waxa curtay khilaaf siyaasadeed oo ka bilaabmay saluugii natiijada doorashada islamarkaana khilaafkaasi oo ilaa haatan taagan, waxa wehelinaya oo iyaguna jira, colaado marqudha ka huray dalka gudihiisa, haday tahay colaada ehliga ah ee u dhaxaysa beelaha deegaanka Ceel-afwayn iyo haday tahay ba dagaalka maamulka somaliya uu ku soo qaaday fadhiisimada jiida hore ee ciidamada qaranka

Xaaladahaasi is huwan ee khilaafka siyaasadeed iyo waliba midaa colaada ahiba waxa ay ragaadiyeen oo ay dibu-dhac wayn ku keeneen hanaankii geedi-socotka horumarka dalka, iyagoo xitaa saamayn taban ku yeelan kara xasiloonida somaliland ku soo caano maashay mudadaa rubuc qarniga ka badan.

Golaha wasiirada madaxwayne biixi ma yihiin kuwo furdaamin kara khatarahaasi

Sida aynu la wada socono golaha wasiirada ee madaxwayne muuse biixi uu u doortay inay dalka la maamulaan waa rag badiba da’yar ah oo sida aan soo sheegnay lahayn aqoontii dhaqan siyaasadeed ee lagu xalin lahaa xurgufaha siyaasiga ah ee diihaalkii doorashadu ay ka tagtay ah, iyo waliba mida dirirta  colaadeed ba.

Marka aad eegto badiba dhalinyaradan hoganaysa xaydaanbkii maamulka dalka waxa aad is odhanaysaa ma arday jamacad wax ku baranaysabaa, adigoo qiimaynaya xaalada uu dalku marayo iyo dhoy la’aantooda, ileen waaba da’yar oo masraxa siyaasada inta ay kala kulmi karaan ee ay ka hal-celin karaaba waa yartahaye, waayo waxa uu masraxa siyaasadu u baahan yahay khuburo ruug cadaa ah oo la jili karta hogaanshaha dalka, curinta hal-abuur cusub oo lagaga sabato baxo xaaladaha kakan ee dul hogfanaya maanta.

Ma Naftaydaa Xulasho Daran Mise Anigaa Xeelad Kale Ka Raba

Dabcan marka aynu qiimayno qaabka xulashada wasiirada madaxwayne biixi iyo dareenada taban ee bulshadu ay ka bixinayso waxa kuu soo baxaysa inay tahay xukuumadan madaxwayne Muuse Biixi, Midii ugu tayada liidatay golaheeda wasiirada taas oo aan la garan karin waxa uu uga gol-lahaa Madaxwaynuhu ee uu cugashadiisa ugu gacalo-miisay guud ahaan ba dhalinyarta, tiyoo ay jiraan dabaylo siyaasadeed oo isbadaladoodu ay horseedi karan khataro badan oo aanay dhalintani maarayn karayn, kalana dabaalan karayn dadka iyo dalka midnaba.

Hadii aynu si kale u dhigno miyaanay haboonayn in dhugmo iyo dareen ba uu u yeesho madaxwaynuhu saamayn la’aanta golahiisa wasiirada ileen waxa marag ma doona xaaladaha jira ee u baahan ragi la tacaali lahaa inay gabi ahaan ba isaga waa madaxwaynaha ee uu ku kaliyaysanayo, tiyoo ay ka qumanaan lahayd inuu yeesho wasiiro heli kara, xal iyo maarayn furdaamisa duruufkasta oo la soo darista xukuumadiisa.

Mise waaba xeelad kale xulashadani oo waxa ay ka turjumaysaa hal-adaygii lagu tilmaamayay madaxwaynaha xiligii ololaha doorashada iyo go’aan qaadashadii astaamaha looga dhigay oo waa mid uu kaligii ku filanyahay madaxwayne muuse biixi, mise toloow waaba ka bess.

Wretting by cheif editor

C/risaaq maxamed axmed

Email: Abdirizake74@gmail.com ama tell: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews