marsanews.com
Aragtida Mid Ka Mida Dadka Ku Dhaqan Hargaysa Oo Maayir Soltelco Ku Sifeeyay Masuul Xil-gudashadiisa Ay u Dheertay Naxriista Shacbigiisa
March 8, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Waa Subax hore waxa aan ku jarmaaday xarunta dawlada hoose ee hargaysa anigoo halkaa u tagayay dan aan u lahaa mid ka mida masuuliyiinta ka hawlgala xafiiska dawklada hoose ee hargaysa, waxa aan socdaba xiligii ku talagalkayga ahayd waan soo gaadhay halkii yoolkaygu ahaa oo xarunta dawlada hoose.

waxa dad aad u tiro badani ku xoonsan yihiin wajahaada hore ee kadinka xafiiska Maayirka ee dawlada hoose, danta aan ka leeyahay iyada oo markaas xidhmatey dariiqi la marayey. dareenkeyga shaqsiyanka ah waxaan qaatey in meesha ay ka socoto shaqo ama uu joogo qof si weyn loogu baahi qabo waxaa afka qalaad lagu yidhaahdo VIP ama Very Important person.

Waaba Maayirkii Magaalada! oo dad badani hareero tuban yihiin askartiisuna dhinac taagan tahay waxaa uu hoos u eegayaa warqad uu u dhiibey mid kamid ah dadka meesha taagan waxaanu ugu jawaabey marku akhriyey u gee xoghaynteyda, wuxu damcay inuu dhaqaaqo isaga oo aan baala daymoon balse waxaa dhankaas qaylo aan dhib badan ku jirin ka yidhi oo ay ka  soo jeedhay dhankiisa midig qof dumar ah oo leh Maayir Maayir I maqal, wuu jaleecay waaba qof dumar ah oo curyaan ah wuu istaagay. dhankeeda ayuu u soo dhaqaaqay way la hadashay isna wuu dhageystay, waxay marba u sheegto ayey ku cel celisaa waayo waxay u arkeysay fursad ay heshay oo ay tahay iney ka faa,ideysato si hadalkeedu maskaxdiisa ugu dhago oo hore danteeda loogu fuliyo, Askarigii la socday ayaa ku idhi bas waad dhameysee haddaba maayirka fasax hawlo kale ayaanu u baxaynee, gabadhii ayaa ku tidhi hayee ii yara kaadi, haddan wuu ku celiyey oo uu ku yidhi ee maad na fasaxdid wakhtigiiba naga cuntee intaa kadib ayuu, Maayirku  ku yidhi Adeer daa iyadaanu kursiga u fadhinaaye.

Sideedaba aadmiga alle abuuray tiyoo ay kala duwan yihiin ayaa haddana waxaa jirta in Masuuliyiintu u kala naxariis badan yihiin bulshadooda gaar ahaan kuwa lagu soo doorto codka shacabka

Kursiga ayaa dadka qaar dhaxalsiiya isla weyni iyo is mahadin Halka ay qaarna ka qaadaan is dhul dhig iyo dabacsanaan badan.

U bixi maayo kana sheekeyn maayo waxqabadka dawlada hoose intu xilka hayey iyo wixii u qabsoomey waayo qoraalka maqaalkeygani shaqaba kuma laha arimhaas balse kaliyaataa waxaan jecleystay inaan la wadaago wanaaga maalintaas uu sameeyey masuulkan aadka u da,da yar dadweynaha somalilland gaar ahaan kuwooda ku nool gobolka maroodi jeex iyada oo ay shaqsiyan I farxad galisay sawirka uu maalintaas bixiyey masuulkan

Waxaan ugu danbeyntii u soo jeedinayaa dhamaan xildhibaanada iyo maayirada kuraasta ku fadhiya codka bulshada soo dooratey iney sidan oo kale ka yeelaan dadka ay masuulka ka yihin iyada oo aaney iga aheyn markaan sidan leeyahay dhaliil iyo iney yihiin kuwo xun oo aan dadka wax u qaban balse waa tusaale fiican sawirka soltelco bixiyey maalintaas waxaana hubinti ah haddii uu sidaas ku sii wado dhaqamaadkiisa fiican inuu noqonayo Sawirka Sumcada Dhalinyarada Somaliland Soltelco

(Barkhad)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews