marsanews.com
Astaan Tv Oo La Soo Ogaaday Inuu Leeyahay Taliyaha Sirdoonka Somaliya Ee Nissa Fahad Yaasin Iyo Weedhii Wasiir Kaahin Ee Liiska Suxufiyiinta Somliya Lacagta Ka Qaata
January 26, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Somaliland ayaa noqotay hoy ay ka hawlgalaan warbaahino aan jiritaankooda rasmiga ah la aqoon iyo hawlaha xaqiiq ahaan ay ka shaqeeyaan, tiyoo ay gabood ay ka dhigtaan mihnada saxaafada oo haatan noqotay meel bahalo galeena.

Telifishanka caanka ka dhex ah somaliland gaar ahaan hargaysa ee isagu bixiya adeega reciverada lana yidhaa Astaan Tv, ayaa la soo ogaaday inuu yahay mid uu mulkiyadiisa leeyahay taliyaha sirdoonka somaliya ee Nissa Taliye Fahad Yaasin,

Telifishankan ayaa somaliland u jooga ugana hawlgala haayada sirdoonka ee Nissa, tiyoo ay ku raad-gataan inay yihiin warbaahin madax-banaan oo la mida telifishanada kale ee dalka ka hawlgala, balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxa uu muuqbaahiyaha Astaan, uu hargaysa u jooga waa shaqo sirdoon oo qarsoodi ah, taasi oo badi aanay ogayn waxna kala socon bulshada reer somaliland, inkastoo dhanka xukuumada la sheegay inay la socoto dhaqdhaqaaqiisa, balse waxaan la hubin ogaalka xukumad ahaan ay u leedahay cida mulkiga telifishanka leh iyo ujeedada rasmiga ah ee uu halkan u joogo.

Astaan Tv, ayaa badiba xogaha ka baxa ay yihiin kuwo qaranimada somaliland lidi ku ah oo badiyaa uu ka baahiyo warar ama xogo aan xaqiiqda meelna ka soo galin oo ay borobogaando ahaan u isticmaalan tiyoo meelaha ay wax ka raadiyaan ee ay is yidhaahdaan umada waydun ku kala fogayn kartaana ay ka mid yihiiniy khilaafyada siyaasiga ah ee sadexda xisbi inta ugu badan dhexmara. iyo waliba wax ku cusub somaliland sanadahan danbena dhagaha bulshada lagu soo dhex tuuray oo ah somaliland la wada leeyahay iyo loo dhan yahay weedhahaasi oo ah kuwa sida gaarka ah uu telifishankaasi iyo qalabkiisuba u baahiyaan.

Waxa intaasi dheer oo meheradan Astaan la yidhaa ay ku hawlantahay waa arimo basaasnimo iyo raadinta xogta qaranka taasi oo la sheegay inay si toosa ula wadaagan Fahad Yaasin oo isagu ah mulkiilaha meheradan islamarkaana ah taliyaha guud ee ciidamada sirdoonka somaliya ee lagu magacaabo Nissa.

Dhanka kale waxa uu wasiirka arimaha gudaha ee somaliland Maxamed Kaahin Axmed maanta warbaahinta ka sheegay inay hayaan liis suxufiyiin iyo telifishano isugu jira oo somaliya uga hawlgala somaliland kuwaas oo uu sheegay inay lacag ka qaataan somaliy.

Arintaasi ayaa bulshada reer somaliland ay suaalo badan iska waydiinaysay, taas oo odhanaysa waa maxay sababta xukuumadu ay talaabo uga qaadi wayday wariyayaasha iyo telifishanada qaranka somaliland dibin daabyaynaya ee ay ogyihiin inay somaliya lacago ku siiso hagardaamada somaliland?

Dabcan waa arin iswaydiinteeda mudan waana mid u baahan in si dhab ah wax looga ogaado, maadamo ay yihiin suxufiyiin muwaadiniin ah oo qarankooda loo adeegsanayo kuwaas oo ku jira ama galay danbiyo qaran oo aan ahayn wax sahlan, wallow sida yar ee fudud ee wasiirku uga hadlayay ay qaybo badan oo bulshada ka midi ka cadhaysiisay oo ay ka jeclaayeen in uu wasiir kaahin talaabo ka qaado, laguna soo oogo danbiyada ama khiyaanada qaran ee ay dalka ka galeen islamarkaana la horgeeyo sharciga oo waliba si furan maxkamadu u qaado kiiskooda ileen waatan cadaymaha loo hayee.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews