Hargeisa:(Marsanews) Munaasibad si bilan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalo madaxda gobolka sool ee laascaanood, taasi oo ahayd mid lagu soo bandhigayay carwada buugaagta, oo loogu wanqalay Laascaanood Book fair.
Barnaamujka bandhiga booga loogu magac daray laascaanood book fair, ayaa ahayd mid uu soo diyaariyay iskuna soo dubariday madaxa haayada SVO C/kariin Siciid, oo isagu ah shaqsiga horseedka ka ah taabagalinta carwadan, kulmisay guud ahaan ba haldoorkii bulshada
Munaasibad ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen guud ahaan bulshada noocyadeeda kala duwan, haday tahay, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, abwaano, iyo waliba masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumada.
Waxa halkaasi hadalo dhiiri galin iyo bogaadin ah ba ka soo jeediyay madaxdii iyo masuuliyiintii kala duwanayd ee ka qayb gashay carwada bandhiga buuga, iyagoo badiba iska dabamaray ahmiyada ay aqoontu leedahay iyo waliba nabadgelyada oo aanay la’aanteed waxbaba hirgaleen.
Munaasibadan ayaa ahayd mid aanay ka madhnayn dhanka dhaqanka oo waxa qayb ka ahaa ciyaar dhaqameedkii iyo waliba fardihii oo laftoodu qayb mihiima ka qaatay
Halkan hoose ka daawo muuqalka warka bandhiga carwada