marsanews.com
Beesha Caalamka Oo Itoobiya u Xilsaartay Xalinta Colaada Tukaraq Xili Dawlada Somaliya Ay Hub Iyo Rasaas Badan u Dirtay Puntland
June 6, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Dalalka beesha caalamka ayaa dawladaha gobalka Geeska Afrika ee IGAD u xilsaaray inay xaliiyaan dagaalada dhex maray dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland. Sida ayxaqiijiyeen ilo-xogogaali.

Sida ay xogahani sheegeen wadamadan beesha caalamku waxa ay dalalka gobalka bariga Afrika   ku bahoobay ee IGAD, u xilsaareen inay u hawlgalaan sidii xaalad nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxuu Warkani Xaqiijinayaa in wadamadani ay si gaar ah daminta xiisadda dagaal ee Somaliland iyo Puntland ugu xilsaareen dawladda Itoobiya oo xidhiidho dhinacyo badan la leh Somaliland iyo  maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku dareen in laga yaabo inay Itoobiya socdaal ku tagaan masuuliyiin ka tirsan somaliland taas oo ah dalab dhanka itoobiya la xidhiidha maadaamo itoobiya ay rabto inaan mardanbe dagaal ka dhex qarxin dhinacyada somaliland iyo maamulka maleeshiyaadka Puntland.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr goor ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inuu joojiyo dagaalada uu ku soo qaaday Somaliland.

Laakiin iyadoo ay beesha caalamku ku hawlantahay daminta dagaal mar dambe qarxa, ayaa waxa ay Puntland iyaduna ku hawlantahay abaabul dagaal, waxaanu madaxweyne-xigeenka Puntland toddobaadkan ku dhawaaqay inuu bilaabmi doono dagaal lagu lagu hoobtaa.

Sidoo kale dawladda Muqdisho ayaa hub iyo saanad milatari oo tiro badan maalmo dhawayd soo gaadhsiisay maamul goboleedka Puntland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews