marsanews.com
Booliska Boorama Oo Xabsiga Dhigay Shaqaalle ka tirsan Shirkaddaha Korontada & Biyaha Ee ALOOG & SHABA
September 18, 2017 - Written by editor marsan

Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Awdal Oo XAdhigooda Ku Sababeeyey Dembi Ay Lacagtii Shilinka ahayd Ka Galeen

Hargaisa:(Marsanews) Ciidammada Booliska magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa Xabsiga u taxaabay qaar ka tirsan Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Shirkadda Biyaha ee Shaba iyo Shirkadda Korontada ee Aloog oo Boorama ka Biyaha iyo Laydhka siiya, ka dib markii ay diideen inay Biilasha ku qabtaan Lacagta Shilinka Somaliland, sida ay Saraakiisha Boolisku sheegeen.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Awdal oo markii ay hawlgalkaas ay Xubnaha Shirkadaha ALOOG iyo SHABA ku xidh-xidheen fuliyeen ka dib, Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Boorama, ayaa sheegay inay Xidhxidheen Lix Ruux oo labadaa Shirkadood ka tirsan, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay diideen Lacagta Shilinka Somaliland inay Shacabka magaalada ka qaadaan, diidmadaas oo uu ku tilmaamay dembi culus oo Qaranka Somaliland laga galay, isaga oo xusay Taliyuhu in Sharciga lala tiigsan doono labadaas Shirkadood Hawl-wadeennadooda.

“Shirkada Laydhka Ee Aloog iyo shirkadda Shaba oo biyaha ah waanu soo xidhxidhnay, waxaana u xidhan meelna shan qof meelna nin. Xadhigoodu waxaaa uu salka ku hayaa kadib markii ay noo yimaadeen report-yo lagaga cabanayo lacagtii shilinka Somaliland oo dad badani ay soo sheegeen in shirkadahaasi diideen inay ka qaataan:. Sidaas ayuu yidhi taliyaha qaybta Boorama  waxaanu intaa ku daray in dadkaas ay soo xidhxidheen ee shaqaallaha labadaasi shirkadood ay sida ugu dhakhsaha badan sharciga u hor geynayaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews