marsanews.com
Musharaxa Waddani Oo Ka Badheedhay Diidmada Dood Siyaaseed Ay Soo Qaban-qaabisay Madasha Wada-tashigu Oo Xalay La Isku Horfadhiisiyey Murashaxiinta Axsaabta
August 4, 2017 - Written by editor marsan

Cirro Oo Sharraxay Sababta Uu Uga Baaqday Dooddan Oo Qorsheysnayd In Uu Ka qayb-galo+ Waxaa Uu Duray Daadihiyeyaashii & ciddii soo qabanqaabisayba.

Hargaisa:(Marsanews) Dooddii siyaasadeed ee u horreysay ee dhexmarta  loo qabto murashaxiinta axsaabta ee ku loolamaysa doorashada kursiga madaxweynaha  oo xalay  lagu qabtay magaallada Hargeysa ayaa waxaa isku hor fadhiistay isla markaana dareenkooda ku soo bandhgigay  labada murrashax Madaxweyne ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Waraabe.   Dooddan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo la doonayey inay dhaxmarto dhammaan saddexda murrashax ee xisbiyada qaranka ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa waxa isku haleelay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo murrashaxa Madaxweynaha UCID Md. Faysal Cali-waraabe, waxase aan ka qaybgalin oo diiday inuu ka qaybgalo murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isagu markii ay soo gebogabawday  sheegay in aan haba yaraatee lagu soo casuumin isla markaana waxba kala socon dooddaas oo uu qaybinayay   Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo katirsan madasha wadatashigu.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaa uu ku hanjabay in dood uu diyaar uyahay ciddii u baahan in ay is hor fadhiistaanna ay u soo diyaar garoobaan xilli hadh cad ah,   “Waxaan Shacbiga u sheegayaa aniga la iguma wargelin dooddaas, cidina igumay casuumin la iimana sheegin ee dad uun baa isoo weydiiyey  in halkaa [Hotel Guuleed] ay kajirto doodi, wasaaradda waxbarashaduna imay soo casuumin, madalina [madasha wada-tashiga] imay casuumin, qof ilasoo hadlayna ma jiro, ragga la igu yidhi meesha ayay ka hadleen [daadihiyeyaasha doodda] ee yidhi [Cabdiraxmaan] wuu ka cudur-daartayna waxba kama jiraan waayo marka horeba la iima sheegin, markaas intaas baan shacbiga u sheegayaa”. Sidaas ayuu yidhi murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-cirro oo markii dooda laga soo dareeray kadib magaallada Hargeysa kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta muuqaalka ah [TV-yada]. Cabdiraxmaan-cirro waxaa uu ku ku baannay isla markaana ugu hanjabay murashaxiinta dhigiisa ah in haddii dood la isku hor fadhiisinayo ay soo diyaar garoobaan hadh-cad “Ninkii dood doonayaa hasoo diyaar garoobo hadh cad, doodahana si baa loo qabtaa oo ama TV baa qabta,ama  machad cilmi ah baa qabta laakiin wasaarad ay dawladdu leedahay ma qabato dood, waayo xukuumadda ayay ka tirsan tahay, xisbi bay ka tirsan tahay, sida la ii sheegayna [madasha doodda lagaga hadlayay] waxay u eekayd uun meel uu KULMIYE ka botorinayay”.  Ayuu Guddoomiyaha ahna murashaxa xisbiga WADDANI ku dooday.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews