marsanews.com
Cabdiraxmaan Talyanle Oo Habeen-badhkii Xalay Ka Noqday Natiijadii Uu Shalay Hadhka Cad Aqbalay, Go’aan Cusubna La SHir Yimi
August 7, 2017 - Written by editor marsan

Laga Bilaabo Immika Oo Aan Idin Lahadlayo Guddoomiyaha  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ee La Doortay Waa Aniga Xaqiiqdeediina Waan Hayaa   Cidda Ay 39-Ka U Codeeyeen Waa  Aniga

Hargaisa:(Marsanews) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), ayaa Hambalyeeyey Guddoomiye Golaha Wakiillada Somaliland loo doortay Baashe Maxamed Faarax oo uu Jagadaas kula tartamay fadhigii Axaddii shalay ee Golahaas, ka dib markii uu Hal Cod kaga guulaystay, sida Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas oo Fadhiga guddoominayey ku dhawaaqay. Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa helay 38 Cod, halka Baashe Maxamed Faarax oo la tartamay helay 39 Cod, sidaana waxaa Guddoomiyaha Golahaas ku noqday Baashe oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, halka Talyanle ka tirsan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu markii natiijada codaynta lagu dhawaaqay ka dib sheegay inuu hambalyeynayo Guddoomiyaha la doortay ee halka cod kaga guulaystay.

Talyanle oo Xalay Habeen badhkii Ka Noqday Go’aankii Uu Ku Tahniyeeyey Baashe Ee Natiijada Doorasahda

 

“Anigoo ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, waxaan halkan ummada reer Somaliland u cadaynayaa , gaar ahaanna golihii wakiillada eemaanta [shalay] codkii doorashada guddoomiyaha wakiillada qaaday ee aan saaxiibkay Baashe Maxamed Cadde  ku tahniyadeeyey in xaqiiqadii soo baxday  laga bilaabo immika oo aan idinlahadlayo guddoomiyaha  guddoomiyaha golaha wakiillada ee la doortay waa aniga xaqiiqdeediina waan hayaa 39-ka xildhibaan ee codeeyey cidda ay u codeeyeen waa Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, sidaas darteed afhayeenka aqalka baarlamaanku waa aniga, waxaanan u sheegayaa saaxiibkay Baashe Maxamed Faarax oo aan markii hore tahniyadeeyey  anigoo daacadnimo iyo lillaaihnimo waajibkaas ku gudanayay inarrintii is bedeshay  oo isaga maanta looga baahanyahay  inuu aqbalo xaqiiqada jirta  iyo codkii la tiriyey halkuu maray iguna tahniyadeeyo”. Sidaas waxaa xalay saqdii dhexe ku tiraabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ooshalay  isaga iyo Baashe Maxamed Faarax  ku tartameen guddoomiyenimada golaha wakiillada taasi oo  cod haldheeri ah uu kaga guulaystay guddoomiye Baashe MAxamed Faarax, isaguna [Talyanle] uu aqbalay natiijada doorashadaas oo uutahniyadeeyey guddomiyaha cusub, haseyeeshee xalay goor dembe oo habeen badh ah ayaa muuqaal Video ah oo xambaarsan deedifaynta Cabdiraxmaan Talyanle warbaahinta la soo gaadhsiiyey, kaasi oo sheegay in  wax is daba marini dhacday xiligii doorashada guddoonka golaha oofadhigii xildhibaannadu ku codaynayeen uu shirgudoominayay guddoomiye kux igeenka 2aad ee golaha wakiilalda Cali Yuusuf Axmed.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews