marsanews.com
Ciidamada Somaliland Oo la Wareegay Hotel la Sudhay Calanka Soomaaliya
December 9, 2019 - Written by editor marsan

Ciidamada Somaliland ee ku sugan Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta la wareegay Hotel laga furay Magaaladaas, kadib markii hotelkaasi uu saaray calanka somaliya

Koox ka tirsan Ciidamada Booliska Somaaliland ee gobolka sool magaalo madaxdiisa laascaanood ayaa tegay hotelka, iyaga oo ka dejiyey Calanka Somaliya oo la sudhay, xilli ay socotay Munaasabad xadhiga lagaga jarayey Hotelkaasi.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay xidheen qaar ka mid ah Mulkiilayaasha Hotelka sida ay sheegeen warfidiyeeno goobta joogay.

Dadkii ku sugnaa Hotelka ayaa badi la sheegay inay goobta ka dareereen, kadib markii Ciidamadu tageen Hotelka, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadkii ka qeyb-galay Munaasabadda furitaanka.

Ujeedada ka dambeysay arintan oo  ciidamada Somaliland ay ula wareegeen Hotelka ayaa ah mid lidi ku ah qaranimada iyo madax banaanida somaliland maadaamo ay tahay laascaanood magaalo madaxda gobolka sool oo ka mida gobolada somaliland

Somaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax banaanideedii, islamarkaana dhisatay dawlada iyo nidaam u gaara mudo sodon sano ku dhawna ah qaran madax banaan oo guud ahaan ba uu ka mabnuuc yahay calanka wadankii ay hore ula midawday balse haatan kala madax banaan yihiin, waana ta keentay in cidii falal noocaas oo kale ah ku kacda talaabo lagaga qaadayo.

Bishii may ee sanadkan ayay ahayd markii somaliland ay xabsiga u taxaabtay wiil dhalinyaro ah oo xidhay dhar calanka somaliya laga sameeyay ayaamo kadibna la sii daayay, balse ay dhawaan maamulka muqdisho wiilkii dhalainyarada ahaa ku qaabileen Villa somaliya, taasi oo ka marag kacaysay in ujeedooyin kale ka danbeeyeen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews