marsanews.com
Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Caawa Is-rasaasayn Xoogani Ku Dhex-martay Garoowe Iyo Xiisad Colaadeed Oo Aloosan
November 6, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Magaalo madaxda maamulka puntland ee garoowe ayaa la sheegayaa in caawa fiidkii Israsaasayn xoogani ay ku dhex martay ciidamado ka tirsan maamulka puntland.

Israsaasayntaasi ayaa sida wararku noo xaqiijiyeen dhexmartay ciidamo taabacsan gudoomiyaha baarlamaanka puntland Md,
Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed). Iyo kuwo ka socda madaxtooyada puntland, kadib markii ciidamada ka socda madaxtooyada maamulkaasi puntland ay sameeyeen isku day ay ku qabanayaan gudoomiyaha baarlamanka puntland, islamarkaana ilaaladiisa gaarka ahi ay iska caabin kala hor-tagtay sidaasna ay xabadu ku bilaabantay, waa sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa goobtaasi.

Ma jiro wax war ah oo wali ka soo baxay dhinacyadan is weeraray ama maamulka puntland ba, lamana oga wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan ee kala taabacsan gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa madaxtooyada.

Magaalada garoowe ayaa laga dareemayaa sansaan colaadeed iyo xiisad siyaasadeed oo cakiran, taasi oo bulshada ku dhaqan halkaasi walaac wayn ku abuurtay.

Waxii war ah ee ka soo kordha kala soco Marsanews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews