marsanews.com
Curashada Khilaafka Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Qarka u Saaran Dildilaac Ku Yimaada Awoodaha Maamul Ee La Kala Jiidanayo
August 17, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Khilaaf  ba’an oo ka Dhex qarxay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Iyo  Musharraxa Xisbigaasi Ayaa Salka Ku Haya, arimo si adag laysugu maandhaafsan yahay oo ka kooban Laba Qodob kala Ah.

1. Awooda maamul ee Xisbiga Oo La Sheegay In Hogaamiye Xirsi u Gacan Dhaafay  Muarashax Cirro.

2.In Xirsi Ku Tagri Falay Dhaqaalihii xisbiga Isla Markaana Lacag Fara Badan Geliyay Taageerayaasha Bariga Burco.

Waxaana Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Md, xirsi Dhawr Jeer Gurigiisa Ku Booqday Ergo Ka soo jeeda Beesha Musharax Cirro, Kuwaas Oo Isugu Jiray Salaadiin Iyo Siyaasiyiin, Waxaanay Kala Hadleen Arimaha maamulka Xisbiga Iyo Qaabka isticmaalka Miisaaniyada Xisbiga, Iyaga Oo Sheegay In Qasnada Xisbiga Waddani Laga Waayey Lacago Fara Badan Lacagtaas Oo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Ku soo Xero Geliyay Taageerayaal Ay Isku Beel Yihiin.

Ergada Loo Diray Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Ayaa Goobtaasi Kaga Tiraabay,Inay Saluugsan Yihiin Qaabka Hogaamiye  Xirsi u Wado Ololaha Xisbiga Isla Markaana Uu Dhaqaalaha Badan ku Gelinayo Dadka aan Wax Macno Ah Ugu Fadhiyin Xisbiga, taasina ay hogaamiye xirsi ku beertay cadho badan oo uu ku gacan saydhay saluugna ka muujiyay arimahaasi ay ula tageen salaadiinta iyo siyaasiyiinta ay musharax ciro isku jufada yihiin ee ku hadlayay afka musharaxa isla markaana ay gaas iyo kabriid ku sii qabatay khilaafkii ciro iyo xirsi.

Arintan ayaa keentay in aanu ka mid noqon Safarkii Lagu Tegaayay Gobolada Sool Iyo Sanaag, Waxaanay Noqotay Sababta Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Ugu Dhexmuuqan Waayey waftiga xisbiga waddani ee ku sugan deegaanada ay ka socoto qaadashada kaadhadhka codbixiyayaashu.

Sida Ay Noo Xaqiijiyeen shaqsiyaad  Si dhaw Ula Socday Khilaafka Ka Dhex Taagan Hogaanka sare ee xusbiga waddani, ayaa sheegayay in Khilaafkan oo Soo Ifbaxay mudooyinkan danbe isla markaana ay musdanbeedka waddani ay hawada ku sii laaleen khilaafkaas kadib markay dhinac ka noqdeen arinta khilaafka xirsi iyo ciro taasina  Ay Sabab Unoqtay In Taageerayaal badan oo Ka soo Jeeda Bariga Burco Ay Todobaadkii Lasoo Dhaafay ka gacan Baxeen Xisbiga Waddani Isla Markaana Ay Iska Casilaan Xilalkii Iyo Xubinimadii Ay Ka Hayeen Xisbigaasi.

Arintaas oo keentay in markale ay ergo badan oo ka soo jeedda qoyska Musharrax Cirro ay u tageen hogaamiye xirsi, isla markaana isku dayeen inay soo lad qabbeeyan wallow aanay weli ku guuleysan haddana waxay kooxdaasi caawa ku qanciyey Xirsi in tabashadiisa oo dhan laga shaafiyi doono marka uu yimaado Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, una gar qaadi doonaan, waxa’se la isla qaatay inta la gaadhaayo mudada waftiga Cirro ku soo laabanayaan inuu Hoggaamiye Xirsi sameeyo dhaqdhaaqaaqyo siyaasi oo Xisbiga ah, isla markaana ka shaqeysiiyo garabkiisa. 
Si kastaba ha ahaatee khilaafkan ka dhex curtay Labada masuul ee ugu sarreeya Xisbiga Wadani, ayaa in muddo ah soo jiitamaayey, balse waxa uu soo ifbaxay dhowaan, waxanu khilaafku sababay diidmo ah in hoggaamiye Xirsi uu qayb ka noqdo waftigii Xisbigooda ee gobollada Bariga somaliland  dhowaan tagay walina ku maqan.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews