marsanews.com
Daahir Riyaale” Dal Iyo Dad Isku Duuban Iyo Xukuumadaha Kulmiye Sida Loo Kala Irdhoobay
July 4, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Somaliland waxa ay soo martay maraaxal kala duwan oo mid kastaaba waayaheeda leedahay waxana ka soo taliyay oo hagaaminta talada dalka isaga danbeeyay dhawr madaxwayne.

Kadib Axdi Qarameedkii, somaliland waxa ay samaysatay dastuur dhigaya in lagu dhaqmo nidaamka asxaabta badan oo jidaynaya in muwaadinkastaa xaq u leeyahay in la doorto waxna doorto.

Waxa samaysmay axsaab sadex ah oo u tartama hogaaminta talada dalka waxaanay xiligaa ahaayeen Udub, Ucid Iyo Kulmiye, 2003kii oo doorashadii u horaysay ee madaxtooyadu ka qabsoontay dalka waxa ku guulaystay xusbiga Udub oo uu madaxwayne uga sharaxnaa xiligaas Md. Daahir Riyaal oo isagu ahaa xiligaasna madaxwaynaha talada haya, guusha doorashada uu ka gaadhay kadib waxa uu dalka ku maamulayay hogaamin togan oo guud ahaan ba shacbigu ay ku qanacsanayeen haba jiro tabashooyin bulshada dhaxdeeda ah oo nidaamka maamul khuseeyaaye, balse waxa uu ku tilmaaman yahay oo sumadiisa ah hogaamiyihii dumuquaadiyada, taas oo marka la abla-ableeyo noqonaysa inuu ahaa hogaanshe eex iyo qabyaalad ama qaraabo kiil aan meelna uga eekayn isag iyo xusbiiisi Uduba.

Mudo sideed sano ku dhawaad ah ayuu sidaas dalka iyo dadkaba ku hogaaminyay iyadoo mudadaa intii lugu jiray dalku uu ahaa mid degan oo xasiloonidu tahay mid taam ah, sidaana lagu gaadhay doorashadii 2010ka oo iyada ay ku loolamayeen isla sadexdii xusbi ee hore kuna guulaysaty Xusbiga Kulmiye oo musharax madaxwayne uu u ahaa Md, Silanyo.

2010kii Munaasibadii xilwareejinta iyo dhaarta madaxwayne silanyo waxa uu Md, Daahir riyaale ka jeediyay qudbad quluubta shacbiga ku suntanaatay oo xusuusteedu soo noqnoqoto taas oo ahayd Waxaan kugu wareejinayaa Dal Iyo Dad Mid Ah.

Markii uu hogaaminta talada dalka la wareegay xusbiga kulmiye waxa xusid mudan in markiiba dalka meelo ka mida uu ka dhacay Dirir dhexmartay beelo wada dega Gobolkja Sool Gaar ahaan Deegaanka Kalshaale, halkaas oo khasaare laxaadle ka soo kala gaadhay beelihii ku dirirayay, islamarkaana waxa marqudha xusuusta shacbiga klu soo dhacday halku dhigii ahaa Dad iyo Dal Mid ah, waxa aan iyana la masuugi karin doorashooyinkii deegaanada oo qabsoomay wakhtigaa uu kulmiye la wareegay hogaaminta talada dalka in ay natiijadii doorashadoo ka dhasheen khilaaf horseeday dhimasho iyo dhaawac ba halka xiligii Xusbiga Udub aanay deero deero hirdiyin.

Haatan oo wali xusbiga kulmiye markale ku guulaystay hogaamintii talada dalka waxa jira oo cirka isku shareeray klhilaaf ka curtay natiijadii doorashada madaxtooyada ee 2017kii iyadoo waliba sidii hore oo kale na Dirir colaadeed dhex martay beelaha walaalaha ah ee degan Ceel-afwayn ilaa haatana aan xal laga gaadhin colaadaasi.

Hadaba wax in badan suaali dul taala hogaaminta siyaasada xusbiga kulmiye oo isagu noqday hoyga khilaafaadka iyo hogaamin xumida marka aad eegto sida uu u raadsho xalka khilaafaadyada soo noqnoqda taas oo sawirka ay bixinaysaa ay tahay mid aan bisaylkii hogaamineed ee umad lagu dhiqi lahaa aanu habayaraatee lahayn.

Guntii iyo gabgabadii shacbiga reer somaliland waxay u haraadan yihiin curinta hal-abuur siyaasadeed oo lagaga sabato bixi karo xaaladaha cakiran ee dul hoganaya guud ahaan dalka.

Wretting by cheif editor

C/risaaq maxamed axmed

Email: Abdirizake74@gmail.com ama tell: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews