Daawo: Buur-madaw Oo Sheegay In Aanay S/land Ka Danbaynayn Ina Riyo-raac Iyo Maxamud Xaashi Waxaan u Arkaa Inuu Ku Jiro Dawakh Siyaasadeed + Soo Dhawayntii Faysal Cali Waraabe Waxay Ahayd Mudahraad Beeleed
January 10, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mida madaxda dhaqanka sabankan ee iyagu siyaasada ku dhexmilmay ayaa sheegay mar uu warfidiyeenka u waramayay in beesha habar jeclo aanay ahayn sida beelaha kale oo iyagu ay leeyihiin marjac loo noqdo oo wax u go’aamiya, sidoo kalena boqorku waxa uu sheegay in ina riyo-raac ay somaliland eedi doonto hadii shaqadiisa la fara-galiyo, kiyo masal u soo qaatay inankii reer tunisiya ee galaaftay buu yidhi todobada dawladood.