Daawo: Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere’ Oo Sheegay In Aan Warbaahinta Layska Sharixin Ee Xisbiga Gudihiisa Layska Sharaxo
December 8, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiye xigeenka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Md, Axmed Cabdi Dheere oo warfidiyeenku xafiiskiisa suaalo ku waydiiyeen ayaa duray hadal uu maxamuud xaashi warbaahinta ka sheegay oo ahaa inuu musharaxa gudoomiyaha kulmiye yahay, taasi oo gudoomiye axmed ku sheegay in aan warbaahinta layska sharaxin ee xisbiga dhexdiisa ay taladu taalo, islamarkaana aanu xaashi ka mid ahayn hogaanka iyo gudida fulinta midna, balse haduu is sharaxayo xisbiga dhexdiisa ay uga fiicnayd ee aanay warbaahinta.