Daawo: Muuqaal Ku Tusaya Garasho-darada Farmaajo Ee Nidaamka Baratakoolka Caalamiga Ah Oo Uu Kala Kulamay Safarkiisi Amerika
September 27, 2019 - Written by editor marsan
Hargaisa: Madaxwaynaha maamulka somaliya Maxamed Cabdilaahai Farmaajo oo ka qaybgalay shirkii qaramada midoobay ee ka qabsoomay wadanka maraykanka ayaa halkaasi kala kulmay, fadeexad la xidhiidha habka soo dhawaynta madaxda aduunka oo isagu nidaamkaasi ama qaabka loo soo dhaweeyo madaxda faashil ka raacay.
Muuqaalka hortiina iman doona waxa uu ku tusayaa farmaajo oo kooxda musica ee madaxda bigilka u garaacda iyo habka rooga cas maristiisa islamarkaana kooxdaasi bigilkoodu yahay astaan u taagan salaan sharafeed in uu farmaajo garan waayay jihadii uu u socday iyo salaantan musica kooxda tumaysaa ay ku qaabilayaan taasi oo marka danbe aad arkayso farmaajo oo gacanta la soo qabanayo laguna jihaynayo halkii saxda ahayd ee uu isagu ka baydhay ama garan ba waayay.