Daawo: Ururka Xoojinta Qaranimada JSL Oo Cisbitaalada TB-da Iyo Dhimirka Gaadhsiiyay Deeq Isugu Jirta Dhar Iyo Bustayaal
January 4, 2020 - Written by editor marsan
Hhargeisa:(Marsanews) Ururka Xoojinta Qaranimada Somaliland oo ah urur ay ku bahoobeen qaybo ka mida bulshada reer somaliland saldhigiisu yahay wadanka Canada, islamarkaana ah urur si rasmiya uga qayb qaata dhismaha iyo qaranimada somaliland, ahna mid saacad kasta heegan ugu jira sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen.
Ururkan deeqda gargaarka ah soo gaadhsiiyay cisbitaalada TB-da Iyo Dhimirka magaalada hargaysa, ayaa gadhwadeen ay ka ahayd Saamiya Maxamed Ismaacil (Fishar) islamarkaana masuuliyiintii ay deeqdaasi ku soo hagaajiyeena ay si xilkasnimo leh ugu wareejiyeen cidii ay khusaysay.