Daawo: Warbixin Telefishanka CNN ka Diyaariyey Saameynta Isbeddelka Cimiladu ku Yeelatay Somaliland
December 7, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Telefishanka caanka ah ee CNN oo laga leeyahay Maraynka ayaa warbixin ka sameeyey saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelatay Jamhuuriyadda Somaliland.
Jomana Karadsheh oo ah Weriyaha arrimaha caalamiga ah ee Telefishanka CNN, ayaa booqasho ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, waxana warbixinteeda oo aan ka soo xiganay ay ku sheegtay in roobab waaweyn iyo daadad ay barokiciyeen kumanaan qof oo ku nool deegaanno ka tirsan Somaliland.
Halka ay roobabku baa’biiyeen ayay tidhi wax-soo-saarkii beeralleyda.
Weriyaha CNN waxay booqatay xeryo ay degan yihiin dadkii abaaraha ku baro-kacay oo ay tilmaantay in magaalooyinka yimaadeen markii saddex meeloodoow laba ay ka baxeen xoolihii ay dhaqan jireen.
Warbixinta CNN waxa ay intaas ku dartay inay Somaliland tahay dal ay dhab ahaan saameeyeen isbeddelka cimilada Adduunku.
Sacdiya Muuse ayaa u sheegtay Telefishanka CNN in dawladaha reer galbeedka ee qiiqa badan hawada ku sii daayaa ay masuul ka yihiin isbeddelka cimilada isla markaana ay Somaliland soo gaadheen waxyeelladii ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunku