Daawo: Wasiir Kaahin, Waxa Layaab Noqotay Komishankii Waddani 18-ka Bilood Diidanaa Inuu Maanta Yidhaa Waanu La Shaqaynaynaa Markii Komishan Cusub La Sameeyay
December 18, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Wasiirka wasaarada arimaha gudaha jamuuriyada somaliland, ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Md, Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen xubno ka mida hogaanka xisbiga ayaa warfidiyeenka u sheegay in kulmiye iyo xukuumadiisu ba ay ku hawlan yihiin sidii loo meelmarin lahaa qodobada ay soo saareen ergadii dhex-dhexaadintu.