marsanews.com
Dabinadii Loo Maleegay Qaranka Somaliland & Siduu Uga Gudbay + Shirqoolada Cusub Ee Hadda Taagan
June 30, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Tan iyo intii jamhuriyada Somaliland dib ula so noqotay xornimadeeda kuna dhawaaqday Madaxbananideda waxa bilaabmay dabino lo dhigayo iyo shirqolo lo so malegayo Oo lagu doonayo in lagu waxyeeleyo – qadiyadeda, qaranimadeda iyo midnimada-shacabkeda, Waxa kale o misena an mesha ka maqnayn in dube ka wayn lo so qaatay sidi gabi ahanba Lo tirtiri lahaa Horumarka ay ku si talabsanyso Somaliland iyo nabada ay ka dhigatay gabaadka Si kastaba ha ahaate Shirqoladan lagu hadimeynayo Somaliland ayaa iso tarayay Marba mark aka dambaysa iyado geed dheer iyo mid gaabanba lo fuulay hirgalidoda Iyado La so adegsanayo xeelado kala duwan . 1. DABINADII LOO DHIGAY J.SOMALILAND IYO SIDAY UGA BADBADAY Iyado aynan qoraal kuso koobi karayn dabinadi lo daadiyay j.somaliland iyo qaabki Geesinimada lahaa ee ay u gees martay bal hadana waxaynu ka xusi doonaa qaar ka mida:

a) DAGAALO SOKEEYE O LA SO AGAASIMAY glasses emoticon MAGACAABISTI I CADOWGA EE MAMULGOBOLEDYO SOMALILAND AH C) DABINADII SIYAASADA ARIMAHA DIBADA a) DAGAALADII SOKEEYE EE LA DHEX DHIGAY SHACABKA SOMALILAND: Waxa xusid mudan in dawladihi kala dambeyay ee soo maray jamhuriyada Somaliland Lala beegsaday mid walba dabino aad u khatar badan iyado lo so gashanayo Shadhadh kala duwan isla markana lo so samaysanyo wajiyo kala jaad ah. Dabinadi lo so dhigay jamhuriyad Somaliland waxa ugu waynaa iska horkeenidii Shacabka Somaliland iyo dawladooda, Hase yeshee dedaal dheer oo ay mar walba ay wada galan xukumada Somaliland iyo shacabkeeda Gudo iyo dibadbawaxa lagu guulaystaa so afjaristiisa. Inkasta o mashrucani iska horkeenista dawlada Somaliland iyo shacabkeda aanu cadowgu ka daalin Hadana ma noqdan qaar lugo ku taagan o u hirgala Waxayna noqdan kuwo fashilmay o cadowga Somaliland kala kulmo waji gabax.

b) MAGACAABIDI CADOWGA EE MAAMUL GOBOLEDYO SOMALILAND AH Ka dib marki cadowga Somaliland ku fashilmay dagaaladi sokeye ee u so abaabulay Wuxu sameyay dabino aag badalsho u eg waxayna ku fikiren inay guul ka gadhi karan Hadii ay Somaliland ukala jabiyan gobolo , waxayna bilaben inay abaabulan samaysanka Mamul goboledyo Somaliland ka tirsan iyago raacaya hab qabiilysan, Wallow aanay waxba uga suurta galin hadafka cadowga hadana waxay ahayd arin culayskeda le islamarkana aan uficnayn sumcada jamhuriyada somaliland. Hase yeeshee ugu dambayntii waxay jamhuriyada Somaliland ku guulaysatayInay so afmeerto arintasi ka dib dedaal wakhti qaatay o isku tanasul , isqancin iyo islaab xaadhasho ku salaysnaa ka dib waxa lagu heshiiyay Somaliland o mida.

c) DABINADII XAGA SIYAASADA ARIMAHA DIBADA EE LOO DHIGAY JAMHURIYADA SOMALILAND ka dib marki cadowgu arkay in Somaliland dhaqaaqday odaneheda ku fooftay wax hor istagi karaaAanu jirin, wuxu u tafaxaytay inay caalamka ka hor istagan in ictiraf ay siyan jamahuriyada Somaliland, iyago si toosa iyo si dadbanba caalamka ugu gudbinayay isla markana siinayay waxyaabo xaqiiqda ka fog iyago u daba martaynaya ama uga horaynayaba meel kasta o Somaliland besha caalamka kagala hadlayso qadiyadeda. Sidaynu la wada soconay waxay isku dayeen inay hor jogsadan heshiiski 3 geesodka ahaa ee ay w ada galen wadamada Somaliland-ethiopia-emirate ka iyago dacwado an tiro lahayn ka gudbiyay Somaliland Ugu dambayntina ay ku guuldaraysten inay wax natijo ahi uga so baxdo Waxayna ugu dambayntii marayan in caalamka ay ka dalbaden in caalamku aanu haba yaratee wax cawimo ah anay siinin jamhuriyada Somaliland Waxase gul u aha Somaliland in beesha caalamku gaashanka udaruurtay dalabkogasi Halkana ay kala kulmen waji gabax.

2) SHIRQOOLADA HADA LOO MALEEGAYO JAMHURIYADA SOMALILAND Waxa caado in cadowga Somaliland aanu ka daalin kana nasan soo maleegida muaamarado ka dhana jamhuriyada Somaliland, iyago mar walba isku dayaya xagal daacinta jamhuriyadan barakaysan Kuna fogan markasta sidii ay umeelmarin lahaayen hadafkoda Oo ah buburinta qaranka j.somaliland. Inkasta oo anay tani ahay mid cusub hadana waxa xusid mudan in cadowga jamhuriyada Somaliland Uu baahay oo tarmay kana so muuqanayo meelo an laga filayn iyo meelo la tuhunsana o raadkoda la hayayba. Taa marka laga yimaado waxa Iyana so shaacbaxay meelaha cadwga Somaliland ka so shidal qaato iyo cida daaha dabadisa ka hagaysa Waxa Iyana jirta isku habarwacashada iyo isbahaysiga cadowga Somaliland Waxa hada muuqanaysa in la rabo in Somaliland lagu muquuniyo cudud military Iyado dawladaha taagera cadowgenu ay ku taagerayan saanid milatari Waxase layaable in cadowga somaliland uu yahay mid aan caqli badnayn oo an Dib umilicsan taariikhdi la so maray, Waxayna udhaqman sidii oo ay awood uleyihin inay Bakhtin karan nuurka Jamhuryada Somaliland eek a ifaya geeska Africa. Ugu dambayntii cadowga Somaliland aya wuxu naruuro ka dhigta dhib kasta oo so foodsaartay Somaliland waxayna u aqoonsadan guul iyaga uso hoyatay. Guntii iyo gabagabadii waxa shacabka Somaliland aan uso jeedinayaa in indhaha , caqliga iyo dhaguhuba shaqeeyaan.

Qalinkii Degmo Bookh

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews