marsanews.com
Dacwad dil ah oo lagu soo oogay Askarigii shaqada ku waayay dhimashada ninka madowga ah
May 29, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Nin laga eryay xubinnimada ciidanka booliska Mareykanka kaddib dhimashadii nin madow ah oo aan hubeysneyn ee ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay saraakiisha sheegeen.

Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska.

Mr Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay cadhadii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd.

Kiiskan ayaa sii xoojiyay cadhada shacabka Mareykanka ee ku aaddan dilalka ay boolisku u geystaan dadka madowga ah.

‘George Floyd maalin cad ayaa la dilay’

Ilhaan Cumar
Image captionIlhaan Cumar

Ilhan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka ee laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa si kulul uga hadashay dhimashada George Floyd, oo geeriyooday isagoo ay gacanta ku hayaan booliska magaalada Minneapolis.

“George Floyd waxaa magaaladeenna lagu dilay maalin cad.

Waa in dacwad deg deg ah la soo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin.

Haddii aanu xeer ilaaliyaha deegaanku u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka.

Twitter waxaa daabacay @IlhanMN: George Floyd was murdered in broad daylight in our city. Charges need to be brought immediately. Deep injustice begets social unrest. We can’t ask for peace without delivering justice. If the county attorney is unwilling to do that, a special prosecutor needs to be appointed.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews