Dacwaddii muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay
May 20, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
War maanta ka soo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherland ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.
Warqad loo diray maamulka Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.
15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.
Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, codsi ka yimid Kenya dartiis, hase ahaatee markan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista.
Maamulka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay si weyn uga biyo diidsanaa dib u dhigista dacwadda ayaa hadda sheegay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka maamulka somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya guddiga dacwadda u qaabilsan somaliya oo BBC-da la hadlay ayaa yidhi:
Mar walba Soomaaliya dalabkeedu wuxuu ahaa inaan dib u dhigis kale lagu sameynin dacwadda laakiin hadda waxaan ku khasban nahay inaan ku qanacno go’aanka maxkamadda.
Jadwalka cusub ee dacwadda
Image captionKhariidadda muranka badda Kenya iyo Soomaalia