Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Markale Ku Dhexmaray Ceel-afwayn Labadii Beelood Ee Hore Dirirtu Uga Dhaxaysay
September 18, 2019 - Written by editor marsan
Hargaisa:(Marsanews) Galabta wakhti casarkii ku beegnayd ayaa deeganka Masle oo ka tirsan degmada ceel-afwayn uu dagaal ku dhex maray maleeshiyo beeleed ka kala tirsan labadii beelood ee mudada badan dirirta colaadeed ka dhaxaysay.
Sida ay nagu soo gaadhayaan wararka la xidhiidha dagaalka labada beelood ee walaalaha ah maanta ku dhexmaray deegaanka ceel-afwayn, ayaa naloo xaqiijiyay in labada dhinac ba uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan la sheegin hadan waxa ay wararku xaqiijinayaan in labada beeloodba ay jiraan dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada qaranka somaliland ayaa la soo warinayaa in ay haatan dhexgaleen oo ay labadii dhinac kala dhex joogaan xabaduna istaagtay oo ay ciidamada qaranku gurmad ay halkaa ku tageen ku joogsatay rasaastii ay isu adeegsanayeen labada dhinac.