marsanews.com
Danyartii Dalkuba Dab May Shidane Durbaanada Maad Ka Daysaan
July 25, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Waxaan maqaalkan igu kalifay in aan qallinka ugu qaato oo aan wax ka qoro, halka ay marayso xaaladda dalka siyaasadda iyo nolosha bulshadeenu inay tahay mid kaaf iyo kala dheeri ah. Taas oo aannu damiirkaagu si siinayn, marka aad telefiishannada baahintooda daawanayso aad ku arkayso iyaga oo bulshada uga warramaya, xisbi hebel ayaa qolo ka soo baxday xisbi hebel ku biiray ama la leeyahay; xisbi hebel baa lagu digo-rogtay, oo xisbi hebel ayaa lagu digo-rogtay.

Arrintani waxay u ahayd oo soo cusboonaatay, siina dardargeliyey, kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ay muwaadiniinta u iclaamiyeen qaadashada kaadhka codbixinta doorashadooynka la filayo inay ka qabsoomaan dalka, taas oo sabab u noqotay in waqtil-xaadirkan xisbiyadu qaranku horseedaan bilaabitaanka  ololaha doorashada.

Haddaba, aragtida siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, waxay meesha ka saaraysaa xaaladda danyarta Somaliland ku sugan tahay, taasoo marka aynu eegno jawiga maceeshada ay ku nool yihiin uu yahay mid bakhtigu xallaal u yahay, kadib markii dollarkii cirka isku shareeray ee lacagtii dalkuna nonqotay mid dhulka lala galay oo aan waxba tarayn.

Ugu dembeyntii, maqaalkaygan waxaan ku soo af-meerayaa, dan-yartii dalkuba dab may shidane, durbaannada la tumanayo, isma qabanayaane aynu ka dayno, waar miyaa la innaga waayey cid dalkan iyo dadkan ka naxaysa oo in uun tudhaale u haysa. Bal adba!

Cabdiqaadir Jiciir – Hargeysa

Kala so xidhiidh marsmedia emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews