marsanews.com
Dareenada Bulshada Iyo Mashruucii Xunbo-wayne Oo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Biyaha Faashilkiisa Aan Meelna Looga Duwayn
March 1, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Mashruucii biyo balaadhinta caasimada ee xunbo-wayne ayaa isagu ah mid natiijadiisi ay noqotay hungo taas oo in badan oo bulshada ka mida warwar iyo walaac ba’an ku abuurtay.

Mashruucan Xunbo-wayne oo lacag badani ku baxday islamarkaana ay shacbiga ku dhaqan caasimada somaliland hargaysa ay ulanayeen inay kaga bixi doonaan biyo la’aanta ayaa dhawaan si cad uu wasiirka wasaarada horumarinta biyaha Md, Saleebaan cali koore sheegay inaan wax biyo ah oo ugu maqan hargaysa mashruucii xunbo-wayne aanu jirin, kadibna si hanbabarle loogu soo baraarugay dhiilada ka soo cusboonaatay mashruucaasi.

Hadaba shacbiga ku dhaqan magaalada hargaysa ayaa dareenkooda ku cabiray sababah dhabta ah ee mashruucaa fashilaadisana ay dusha u saareen agaasimaha guud ee wasaarada biyaha oo isagu ahaa lafdhabartii mashruucaasi islamarkaaana ahaa shaqsi awood badan ku lahaa oo xiliyo badan ka takhalusay wasiiro ka arimin jiray wasaaradaa biyaha ee uu agaasimaha guud ka yahay xiligaa xukuumadii silanyo. wallow imikaba uu xilkii hayo oo aanu noqonin mid raaca xukuumadii u soo cumaamaday balse uu yahay shaqsiga wali suu dugsanaya dhitooyinkii uu umada u gaystay, dareenada shacbiga iyo aragtiyaha ay ka bixiyeen ayaa ah sidan:

Wakaalada biyaha muu hoos iman jirin mashruuca biyaha xunbo-weyne laakiin wax ka masuul ahaa wasaaarada biyaha taas oo guud ahaan ka masuul ah biyaha qaranka oo dhan.

Wasaarada biyaha oo ah meel uu ragaadiyey musuqmaasaq baahsan oo lafaha gaadhay oo qaranka ku ah dhabar jab kaas oo had iyo goor lagu aaneeyo agaasimaha guud oo ku noqday masiibo ay ka shaqayn kari waayeen wasiiradii kala danbeeyey wasaarada biyaha’ sidaasi waxa yidhi mid ka mida bulshada magaalada hargaysa.

Sida uu sheegay wasiirka cusub ee biyuhu waxa laga qoday 13 ceel masaafo dhan 1 kiilomitir taas waa khalad weyn oo farsamo oo uu galay agaasimaha guud ee wasaarada biyuhu waana in xilka degdeg looga qaado lana soo xidho. Wasiirada had iyo jeer waxay ka shaqeeyan siyaasada iyo maamulka guud laakiin n DG-ga ayaa ah kan kala wada arimaha farsamada iyo ceelasha. Waxa kale oo fahsilmay dhaamkii waynaa ee laga qodayey xunbo weyne kaas oo isna u fahilmay arin farsamo oo uu galay agaasimaha guud ee wasaarada biyuhu’ Aragtidana waxa qaba qof kale oo isna cabiray fikirkiisa

 Hadaanu nahay dadka xaafada Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe waxaanu u aragnaa fashilinkta dhaamka xunbo weyne inay tahay ula kac iyo gabood fal uu noo gaystay agaasimaha guud ee wasaarada biyuhu waana danbi wayn oo uu naga galay waxa uu fashiliyey mustaqbalkii noloshayada, waxaan ka codsanaynaa xukuumada cusub in aanay xilka oo qudha ka qaadin ee maxkamada la soo taago oo lagu qaado denbiga uu naga galay.
Sida oo kale denbiga waxa kula jira agaasime waaxeedyada  wasaarada biyaha kuwaas oo ah qaar uu daashaday musuqmaasuqu waa in iyaga maxkamada lasoo taaga oo denbiga ay u mad ka galeena lagula xisaabtamaa wasiirka cusubna waxa laga rabaa inuu umada si daacad ah ugu adeego.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews