marsanews.com
Dawlada Somaliya Oo Hub Cusub La Soo Degtay Tiyoo Cuna-qabatayntii Aan Laga Qaadin Iyo Wadamada Hubka siiyay + Ujeedada Xiligan Loo Hubaynayo
June 9, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Ilo xogogaala ayaa xaqiijiyay in xukuumada farmaajo ay la soo degtay saanad hub oo culus dhawaan kadib markii ay dawlado dhawr ahi si qarsoodiya ugu caawiyeen hubkaas, tiyoo aan wali cunaqabatyntii hubka laga qaadin soomaliya.

Waxaa layaab leh in dawlada itaalka daran  ee Somalia iyo maamul goboleedkeedu hub culus oo noocyo kala duwan ah kala soo dageen dekeda Mogadishu dhowaan, tiyoo UN resolution kii 1992 ee cuna qabataynta hubka lagu soo rogay Somalia isla 2007 wax laga badalay si ay ciidamo ku sheega Somalia loo hubeeyo si ay iskaga difaacaan argagixisada dalkooda ka jirta.

Laakiin nasiib darro hubkan ay ka heleen dawlado walaleheen ah, saaxiibna aanu qaar badan nahay waxay doonayaan inay u isticmaalaan dagaalka sharci darroda ah, ee gardarroda ah, ee baadilka ah ee ay tiroba afar jeer ka badan ku soo qaadeen Jamhuuriyada Somaliland.

Hubkan oo ay ka kala heleen sida ay waraaqahani cadeynayaan (Turkey, Saudi Arabia, Sudan, Italy…iyo dawlado kale) waxaa la doonayaa in lagu laayo oo lagu xasuuqo shacbiga Somaliland.

Beesha caalamka ka yeeli mayno inay dhinaca dulmiga raacaan, ka yeeli mayno inay cadawgeena, cadawga qarankeena iyo cadawga umadeena ay soo hubeeyaan oo ay daawadaan iyadoo naloo isticmaalayo hubka iyo saanada ay siinayaan Somalia iyo maamul goboleedyadeeda.

Madaxweynaheena iyo dawladiisu way cadeeyeen in nalaga gar daran yahay, way sheegeen cida gar daran wada, way dacwoodeen oo inaananu duulaan ahayn oo aannanu cidna ku gardaroonayn way sheegeen oo way cadeeyeen, markaa maxaa naloogu soo hubeynayaa Somalia, maxaa loo doonayaa in la dumiyo qarankan aanu ku tacabnay, maxaa loo doonayaa in la fashiliyo Madaxweynaheenan xor iyo xalaasha lagu doortay, maxaa loo doonayaa in naloo laayo oo hubka loogu dhiibayaa dawlada taagta daran leh ee Somalia

Wretting’ by Liibaan Cashuur

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews