marsanews.com
Dedaalada Hanaqaaday Ee Dakadaha Iyo Aaga Cashuuraha Ka Caagan Ee Jabuuti Oo Hogaaminta Togan Ee Madaxwayne Geele Ku Maamulay Marin Biyoodkiisa
August 14, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Hiyiga Laab la kaca dhalanteedka ku salaysan ee imaaradka carabtu ugu bu’ayaan hanashada marin biyoodka dalka jabuuti waxa uu noqon doona hungo halkeeda ku hagaasta.

Madaxwayne geele oo leh siyaasad iyo go’aan qaadasho uu ku kasbaday rabitaanka shacabkiisa ay ah hiilka koowaad ee uu kaga adkaanayo cid kasta oo qaniibada dalkiisa hunguri ka galo.

Maareeyaha Dekadaha iyo Aaga Cashuuraha Ka Caagan Ee Jabuuti Md, Abuubakar Hadi, shaqsi dadaalada horumarinta ee ka muuqda dekadaha jabuuti iyo dhaqaalaha dalkaba ku suntan.

Maareeye abuubakar hadi hogaaminta iyo maamulida xilka qaranka uu u hayo waxuu u gutay sidii ugu haboonayd ee waajibaadka shaqo ay faraysay islamarkaana dadaalada uu galiyay waxa ay ka muuqata sida indhaha beesha caalamku ugu soo jeedan dekadaha dalkaasi jabuuti, taas oo keenaysa hanaanka maamul wanaag iyo hogaaminta Togan ee Maareeye Abuubakar ku hagayoo guud ahaan shaqooyinka kala duwan iyo siyaasada guud ee maamulka dakadaha ee uu masuulka ka yahay.

Dabcan shaqo kastaa waxa ay u baahan tahay marka u horaysa, daacadnimo, aqoon iyo waliba curin hal-abuur cusub oo lagu jaan-goyn karo iibgaynta hawsha aad gacanta ku hayso oo mudan inay noqoto mid u cuntanta shucuubta kala duwan ee dunida guud keeda saaran.

Sifahaasi aan kor ku soo xusnay waa kuwo aynu odhan karno maareeyaha dekadaha jabuuti intaaba wuu kulansaday oo waxa ay ka muuqata ama marag ba ugu filan sida ay u socoto hawlaha uu qaranka u hayo.

Jabuuti waxay ku taalaa meel istiraateejiyad ah, oo dhacda khadadka maraakiibta caalamka ugu mashquulka badan, iyada oo maamusha meesha ay iska galaan Bada Cad  iyo Bada Indiyaan Oshinku, taas oo soo jiidatay maalgalinta maalqabeenada Afrika, reer galbeedka, Aasiya, iyo maalgaliyayaasha dalalka Carabta, kuwaas oo si gaar ah u maal gashada aagaga bada, dhismaha, diyaaradaha, shidaalka iyo waaxaha kala duwan ee difaaca.

Jamuuriyada jabuuti qaniimada ugu wayn ee ay leedahay waxa weeyi dekadaheega oo ay u maamushay si cilmiyaysan ugana faaiidaysay dadkeeda iyo dalkeedaba kana dhigtay bogcad dheeman ah oo afrika inteeda kale aanay nasiib u helin kadib markay kulansatay jugraafi ahaan halka alle dhigay oo ah meel istaraataji ah iyo waliba hogaamiye ku hagay habkii iyo hilinkii toosnaa ee hiigsiga hayaanka geediga gaadhsiiyay halkii ku haboonayd kaas oo ah gudoonshaha dalkaas ee talada jabuuti mayalka u haya Md, Ismaaciil Cumar Geele, oo curintiisa siyaasadeed iyo hanaankiisa maamul ay garan siisay inuu u cugto maamulida dakadaha jabuuti Maareeye Abuubakar oo ka midhadhaliyay waxii loo igmaday, ee loogu dhiibay halbawlihii dhaqaalaha jabuuti oo ah dakadaha iyo aagaga cashuurta ka caagan oo isku lamaan isna uu sidii ku munaasibka ahayd u hagayo.

Wretting By Cheif Editor

C/risaaq Maxamed Axmed

Email: Abdirizake74@gmail.com Ama No: 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews