marsanews.com
Dhawaaqa Sakatigu ka Muuqdo Ee Xisbiga Waddani Ku Daadafaynayo Jiritaanka Suxufiyiin Somaliya Lacag Siiso Dareen Nooce Ah buu Gudbinayaa
January 26, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani Md, Saleebaan Ducaale ayaa dhawaaq sakati ka muuqdo kaga dareen celiyay war uu shalay wasiirka arimaha gudaha iyo ka warfaafintu ku sheegeen inay hayaan liis wariyayaal iyo telifishano ka qaata lacag maamulka farmaajo ee somaliya.

Dhawaaqan ka soo yeedhaya xisbiga waddani ayaa dadka qaar qabaan inuu daaran yahay shaki dhexdooda ka abuurmay oo ay ka cabsi qabaan in liiskaasi wasiiradu sheegeen uu xisbigoodu lug ku yeesho, taasi oo dadka dareenka noocaas ah qabaa ay shaki badan galinayaan in xoghayaha xisbiga waddani gacan saar dhaw iyo saaxibtinimo xeel-dheeri ba ay ka dhaxayso raysal-wasaare ku xigeenka maamulka farmaajo, iyagoo intaa ku sii darayaa hal-beega cabirkooda in xoghayaha waddani maadamo uu xidhiidh ka dhaxeeyo ku xigeenka raysal-wasaaraha uu noqon karo dariiqa suxufiyiintaasi ay lacagtu u soo marto, taasi awgeedna ay waddani sida fiinta uga sii qayliyeen, islamarkaana daadafeeyeen jiritaanka xaqiijinta arintaasi, waxaana tuhunada dhaliyay hadalka gudoomiye xigeenka waddani kalmado ka mida oo odhanaya saxafiyiinta ayaa la cabsi galinayaa iyo waa la ceebaynayaa.

Dhanka kale waxa iyana aan muran ku jirin in wasiirada xukuumada ee arintan shalay ka dhawaajiyay looga fadhiyo inay soo qabqabtaan suxufiyiinta ay ku sheegeen inay lacagta ka qaatan somaliya oo arintaasi ay garsoorka dalka horkeenan maadamo eedaysanayaasha ay liiskooda hayaan ay ku kaceen khiyaamo qaran.

Si kasta oo ay tahay ba waxaan iyana mugdi ku jirin inay jiraan suxufiyiin aan qarsan ba oo si toosa uga hawlgala dalka iyo dibadaba oo ka mid ah saxafiyiinta reer somaliland islamarkaana si badheedha ugu adeega maamulka farmaajo, ee itaalka daran, waxse aan marnaba u cuntamayn shacbiga in xukuumadu talaabo ka qaadi waydo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews