marsanews.com
Dhawaaqyada Dhiilada Leh Ee Ka Soo Yeedhaya Qaar Ka Mida Salaadiinta S/land’ Miyaanay Noqonayn Dagaal Qaawan Oo Ay ku Qaadeen Qarankoodii
April 3, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Badqabka karaamada sandaladu waxay ku jirtaa hadba dhawrsanaanta shaqsiga cumaamadu saarantahay sida uu ugu camal falo, ee uu u dhawro milgaha iyo maamuuska ay leedahay taashkan uu ku boqran yahay.

Somaliland madaxdeeda dhaqanku waxay ahaan jireen kuwo saacad kasta heegan ugu jira, habka iyo hanaanka nabadaynta iyo waliba taabagalinta qadiyada madaxbanaanida somaliland, balse sabankan aynu haatan joogno waxaad moodaa inay noqdeen kuwo aan garanayn waxa dushooda saaran oo xushmadii iyo qadarintii umada ay ku lahaayeen waxay noqotay mid ay iyagu iska irdheeyeen.

Maalmahan danbe waxa warbaahinta ka hadlay salaadiin bulshada dhexdeeda caan ka ah islamarkaana sheegay inaanay siyaasada ka madhnaan karin oo ay qayb ka yihiin.

Haba ka ahaadaan oo ma xumee waxa se dhiilo iyo dhakofaar ba bulshada ku noqotay halka ay u hanqal-taagayaan oo ah maamulka muqdisho oo aan isaga laftiisuba nolol haysan oo ciidamo shisheeye ahi ilaaliyaan.

Taniyo markii boqor buurmadaw warbaahinta amaan aan la soo koobi karin uu hawada u mariyay madaxwaynaha maamulka somaliya farmaajo, ayaa isla yaamo kadib uu suldaan xasan iyo suldaan maxamed cabdilqaadir labadooduba ay mareen dariiqaa uu buurmadaw qaaday oo ah mid sida ay sheegeen ay aragti ahaan ku raacsan yihiin buurmadaw hadalkiisi ay ka muuqatay dilaalnimada iyo iibgaynta qadiyada somaliland ee sida dharaarta u cad in ay rabaan sidii ay farmaajo ugala shaqayn lahaayeen waxii hore loo odhan jiray midnimada, balse hoga ku dhacday.

Arintan qadiyada madaxbanaanida somaliland waa mid ku timid doonista ama rabitaanka shacbiga reer somaliland waana mid ay dhiigooda iyo dheecaankoodaba u shubeen oo aanay waxba ka badali karin salaadiin dhawr ah oo albaabkii qabaxda ee somaliland ka xidhmay.

Madaxwayne biixi ayaa sida aynu wada ogsoonahay ba meesha ka saaray baadii iyo laaluushkii ay ku mameen sulaadiintan ay xukuumadihii hore baabiiyeen ee ay bareen in laga laaluusho xaajo kasta oo siyaasiya, waana ta keentay inay maanta ku dhiiradaan arimo masayri ah inay sheegtan ka qaybqaadashadeeda, ileen hore ayaa ficilo noocan oo kale ah looga laaluushaye.

waxa iyana xusideeda nudan oo bulshadu iswaydiinaysa axmed kayse oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii riyale iyo silanyo islamarkaana muqdisho u hunguri doontay oo dhawaan isagu warbaahinta kaga tiraabayay hadalo aan maanku deeqayn kana soo baxayay garaad gaaban oo indhow arag ah, kayse waxa aad hadaladiisa ka dhadhansanaysay in uu ahaa shaqsi laga hadlinayay oo waxoogaa shilimaada la horqaaday taasi oo marag ka noqonaysa weedhihii xanafta iyo xumaanta badnaa ee uu ku hadlayay, inkastoo bulshadu si fiican ay u fahansantay guud ahaan ba kooxda hunguri u dirirka ah ee somaliland ta ka kufriyay

Waxaan la hilmaami karin oo aad is odhanaysaa waa silsilad isku xidhan kuwo aqoon-yahan iyo qoraa sheegta, sida Maxamed Baashe oo kale oo isna arimahan dilaalnimada iyo dadnimo darada ah ka bilaabay dalka dibadiisa kiyoo sida uu sheegay midnimo iyo wax la hal-maala meelaha ka shuba, waxase guud ahaan ba arintoodu aanay dhinacna u dhaafayn qoomamo iyo iyagoo ku tiraaba (Hankaygu yaraa naftayda halkuu ila galay jacaylkii)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews