marsanews.com
Diblomasiyiin & shaqaalaha Turkiga Oo Bilaabay Iney ka Baxaan Muqdisho Kadib Khatar Abni Oo soo wajahday
September 27, 2019 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa walaac ba’an ka muujiyay xaaladda amni ee dalka iyo beegsiga joogtada ah ee lagu bartimaameed-sanayo shaqaalaha iyo Injineerada ka howlgala magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararku waxa, Wasaaradda arrimaha dibada ee Turkiga ay ku wargelisay muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Muqdisho iney yareeyaan dhaq dhaqaaqa, islamarkaana ay si joogta ah ula xiriiraan xafiiska safaaradda Xukuumadda Ankara ee Muqdisho si loola socdo amnigooda iyo khataraha ka soo wajihi kara beegsiga joogtada ah ee ay ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa dil iyo dhaawac u gaystay dhakhaatiir iyo Injineero u dhashay dalka Turkiga iyagoo ku sugnaa magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku guda jiray howlahooda caadiga ah ee ay u yimaadeen Soomaaliya.

Shalay oo ugu dambeysay Al-Shabaab ayaa Qarxiyay gaari nooca xabaddu aanay karin oo ay saarnaayeen xubno Turki ah xilli ay marayeen Isgoyska Soobe oo 14-kii October lagu xusuusto Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen.

Gaariga oo marayay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ayaa mar kaliya qarxay, waxaana halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray laba ruux oo shacab ah.

Xubnaha qaraxa la doonayay In lagu dilo ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ku hawlan dhismaha wadada xidhiidhisa Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa dhawaan qarax ku dhaawacday Injineerkii dhisayay wadada isku xidhta Afgooye iyo magaalada Muqdisho kaasi oo gaarigiisa qarax loogu xiray xilli uu ku sugnaa deegaanka Garasbaaleey oo ah duleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Muqdisho.

Cabsidan ka dhalatay weerarada joogtada ah ee lala beegsanayo hawl-wadeenada turkiga ayaa keentay inay diyaar-garaw u galaan sidii ay nafahooda ugala bixi lahaayeen somaliya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews