marsanews.com
Diyaarada Fly Dubai Oo Dulimaadkeedii Saaka Ee Hargeysa Gabadh Iyo Ilmaheedii Yaraa Qasab Kaga Soo Dejisay Diyaarad + Sababta
August 25, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Fly dubai, anigu waxaan airport timi 6.40am si aan u raaco Fly dubai.

Hase yeeshe gabadhi iyo ilmaheediiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab. Diyaaraada waxa la fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase  yeshee islaan waayeel ah oo aan kici karayn eyey u bedeshay kursigii.

flydubwomen

Wax yar ka dib gabadh cadaan ah oo shaqalaha diyaarada ka mid ah ayaa u timid.   gabadhii waxay u shegtay in ay kursigedii ku fadhisato waxay ku tidhi ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo. Gabadhi shaqalaha ahayd way ku adkaysatay inay ku noqoto kursigeedii. Ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadhiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captainkii diyaarada waxay go’aan ku gadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada si qasab ah looga dejiyo.

flydubia

Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale somali ah oo u shaqaynayey Fly dubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday gabadh shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan. In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aan wax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka lahadlo.

Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isa soo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu ii shegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi.  Diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo.

Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee isna waa la diiday. Markaa waxaan anigu go’aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada.

Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay. Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Fly dubai wuxuu ii soo garaacay apology(Raaligelin)  laakin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaalahoodana waxay sameyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.
Hadaad arki jirteen airhostess jajaban oo rakaabka soo dhaweeya oo dhoola cadaynaya oo caruurta iyo waayeelka caawinaya iminka waxa soo baxay kuwa laad kaga soo rogaya diyaarada

Xigasho: Saddam Mohamed oo kasoo xigtay isna
Wasiirka Hawlaha guud Cali Hassan – Cali Mareexaan.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews