Duqayntii Dhinaca Cirka Ee Lagu Burburiyay Hargeysa Iyo Burco 1988-Kii Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradahaa Waday Iyo Cidii Qandaraaska Qaadatay
October 22, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) mudo laga joogo 32-sano waxa maamulkii ka talin jiray somaliya ee uu hogaamiyaha u ahaa siyaad bare ay shacbiga ku dhaqan somaliland gaar ahaan hargaysa iyo burco u gaysteen duqayn iyo dil wadareedo arxan daro ah.
Duqeyntii 1988-kii loo geystay dadkii rayidka ahaa ee reer Somaliland gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kuwaas oo loo adeegsaday iyadoo loo soo kireeyey duuliyayaal calooshooda u shaqaytayaal reer Koonfur Afrika ah iyo duuliyayaal u dhashay dalkii Soomaaliya.
Haddaba waxa jiray ilaa sanadadii u dambeeyey xogo kala duwan oo laga bixinayey sidii ay arrintaasi ku timid, iyada oo ay wargeysada dalka qaarkoodna wax ka qoreen, sidoo kalena lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, iyada oo la sheegay in qandaraasyo lagu bixiyey, sidii loo soo kireyn lahaa calooshooda u shaqaystayaashaa, iyo waliba dalal iyaguna ku caawiyey diyaaradihii Hawkerhunters-ka ahaa ee lagu duqeynayey dadka rayidka ah.
Waxa kale oo jira rag iyaguna arrintaas qayb libaax ka qaatay sidii loo hirgelin lahaa.
Hadaba baadhis iyo dabagal qoto-dheer oo lagu sameeyay kadib ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogo arrintaas ku saabsan.
Waxa la sheegay in 1983-kii ay dawladda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday dalkii hore ee Soomaaliya 14 diyaaradood oo ah noocoodu kala ahaa 10 nooca loo yaqaan Hawkerhunters, iyo 4 noocoodu yahay Islander.
Waxa ay taasi keentay baahi loo qabo in la helo rag aqoon dheer u leh diyaaradahaas, kuwaas oo tababar siiya saraakiil soomaaliyeed, waxaana qandaraas lagu siiyey nin ganacsade Soomaali ah oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Buluug, isaga oo Koonfur Afrika iyo Zimbabwe ka soo kireeyey afar duuliye iyo afar farsamo-yaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshooda u shaqaystayaalnimo ah, iyada oo heshiis dhexmaray taliyihii ciidanka cirka Soomaaliyeed iyo gacanyarihii Jaamac Buluug oo la odhan jiray Idiris Shidle loo xilsaaray hirgelinta arrintaas, isaga oo xafiis ka samaystay saldhiga diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.