marsanews.com
Faalada Caawa Ee Marsanews’ Miisaanka Siyaasiyiinta Iyo Aqoon-yahanka Ku Xeeran Musharaxa Kulmiye Oo Ah Kuwo Gusha Curinkara
August 22, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Hogaamiye kastaaba waxa uu noqdaa hadba sida ay yihiin aqoon-yahanka ku xeeran oo uu hogaamintiisa iyo maamulkiisuba ay noqdaan kuwo u eeg sida ay yihiin inta talo-wadaagta ay leeyihiin ee ay wadarta ku wada jaan-gooyan arimaha siyaasiga ah.

Xusbiga kulmiye  musharaxiisa oo isagu ah hogaamiye ku caana Hal-adayg iyo Go’aan qaadasho oo labadaa astaamood ba kulan saday ayay hadana u dheer tahay in uu nasiib u helay aqoon-yahano, siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh bulshada.

Markaad eegto waftigii uu hogaaminayay musharaxa kulmiye ee maalmahii dhawaa safarada shaqo ku marayay gobolada bariga somaliland ee ay ku wehelinayeen masuuliyiinta culculusi waxa ay marag u noqonaysaa sida uu xusbiga kulmiye ugu sii durkay hanashada guusha doorashada hogaaminta talada dalka loogu looolamayo waayo waxa hareera socda oo whelinaya siyaasiyiintii ugu magaca iyo muuqa dheere ee dhamaan shacbiga reer somaliland garan karayaan halka ay gaadiga ku furayaan.

 

Dabcan musharaxa xusbiga kulmiye oo ah mid ka mida jilayaashii siyaasada somaliland taniyo curashadii madax-banaanida qarankan ka dhex muuqday oo walibana ahaa shaqsiyaadkii ugu saamaynta badnaa, maantana ah musharax u ordaya jagada madaxwaynaha ayaa siyaasadiisa iyo hogaamintiisaba aad ka dhex arki kartaa raga ku xeeran oo iyagu ka turjumaya ka uu yahay musharaxa kulmiye.

Hadaad eegto asxaabta dhigiisa ah ee mucaaridka ah waxa aad dheehan karaysa musharaxiintooda iyo inta ku xeeran ee la giraan girinaysa taladooda hogaamineed inaanay ahayn kuwo marnaba la musdawe ah, raga maanta musharaxa kulmiye agtiisa jooga.

Aan iswaydiino siyaasiyiinta musharaxa kulmiye ku xeeran ma yihiin kuwo guusha xusbiga curin kara? Jawaabtu waa Haa waa kuwo curin kara oo waliba aan odhan karno hadaabay foorihii guusha kulmiye ina haysaa oo waxa minqiyaas u ah, sidii ay bulshada ku dhaqan gobolada bariga somaliland ee afarta gobol ah marka laga bilaabo Saaxil, Togdheer, Sool, iyo Sanaag ba ay bulshadoodu ugu muujiyeen cududa taageero oo ay qayb mihiima ka ahaayeen siyaasiyiinta barbar socday musharaxooga,

Hadaan u soo noqono xitaa qudbadihii musharaxa kulmiye uu ka jeedinayay fagaarayaashii kala duwanaa waxaad dareemaysay inuu ahaa kii kaliyaata ee ku haboona hogaaminta talada dalka isla markaana bulsho waynta somaliland na ay deeqday kana mabsuudeen qudbadihiisi oo ay ka muuqatay bisayl iyo qaangaadh siyaasadeed ba sidoo kalena ay siyaasiyiinta la socotay laftoodu ahaayeen kuwo intaa musharaxa in leeg hadalkoodu raaligaliyay shacbi waynaha.

guntii iyo gabgabadii waxa marag madoona in maanta musharaxa xusbiga kulmiye leeyahay jaaniskii siyaasadeede ugu qaalisnaa abid ee soo mara taasina ay tahay mid sida cadceeda u muuqata inuu ka faaidayn doono oo aanu dayici doonin markaad eegto shaxda godka uu kolba ka dagayo oo haatan irmaan oodana uu haysto.

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxamed axmed.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews