marsanews.com
Falanqaynta Weedhii Dooda Badani Ka Dhalatay Ee Kaahin Iyo Xaashi
December 6, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Taniyo aasaaskii xisbiga Kulmiye oo ahayd mudadii lagu dhawaaqay 2002-dii, waxa lagu tilmaama inuu yahay Xisbiga kulmiye mid ay ku urursan yihiin Baarqabkii siyaasiyiinta Somaliland, oo haatan ba ka dhex doobyaya, hirdan iyo loolan adag oo dibada u soo baxayna uu yahay mid loogu jiro helista kursiga hogaaminta xisbiga.

Guddoomiyaha Imika ee Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo isagu gudoomiyaha xisbiga ahaa mudo toban sano gaadhaysa, ayaa jid dheer iyo halgan adag u soo maray sidii uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Xisbiga islamarkaana uu ku guulaystay helista jagadaasi 2010-kii, taas oo markii dambena u fududeysay inuu noqdo musharaxa xisbiga ee u tartamayey kursiga looga arimiyo dalka kadibna 2017-kii doorashadii madaxtooyada uu noqday mid ku guulaysta halkii uu u socday oo ahayd inuu noqdo shaqsiga mayalka u qabta hogaaminta talada dalka.

Haatan oo la filayo in ay dhawdahay wakhtigii uu qabsoomi lahaa shirwaynihii xisbiga kulmiye ee lagu dooran lahaa hogaanka xisbiga ayaa durtaba si cad loo dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ku saabsan olole ka turjumaya damac iyo han siyaasadeed oo uu Maxamuud Xaashi ku baadi goobayo, kasbashada kursiga gudoomiyaha kulmiye.

Waraysi khaasa oo telifishanka Horn Cable kula yeeshay barnaamujkiisa Hal-adayg, ayuuMaxamuud Xaashi ku sheegay in Maxamed Kaahin oo ah gudoomiye xigeenka xisbiga kulmiye ahna wasiirka arimaha gudaha xukuumadan madaxwayne biixi oo isaga laftiisa aanay ka madhnayn hanka iyo damaca hogaaminta kursiga gudoomiyenimada kulmiye, ayaa maxamuud xaashi uu ka dhawaajiyay in la dhaafay xiligii maxamed kaahin, eraygaasi oo bulshada dhexdeeda ama dadka siyaasada lafa-gura ka dhex dhaliyay dood.

Bulshada qaar ka mida ayaa qaba aragtida odhanaysa in maxamuud xaashi waraysigii uu ku duray damaca maxamed kaahin uu ka turjumayo bisayl la’aanta siyaasadeed ee uu ku sugan yahay islamarkaana ay ku keeni karto loolan adag iyo hirdan siyaasadeed oo uuna wakhtigeedii joogin maxamuud xaashi ayna ahayd qalad siyaasiya oo uu galay lagana yaabo inuu magansado guuldaro meesha ka saarta ulashadiisi, oo eraygaasi uu ku noqdo mid tumaamtiya hankiisii

Dhanka kale waxa iyana jira aragtiyo taa ku lidi ah oo la dhacsan xaashi iyo weedhiisa oo ay ku sheegayaan dadka qaba fikirkaasi in ay tahay xiligii ku haboonaa inuu maxamuud xaashi galka seefta ka saaro yeeshana badheedhahaa cad.

Dabcan xisbiga kulmiye oo isaga looga bartay loolanka iyo tartanka qoodha reer kulmiye dhex marta ayaa aakhirka isugu soo biya shubata tanaasul iyo isku duubni si laga wada raali yahay ay siyaasiyiintaasi u galaan tartan amaba isugu haneeyaan kolba halka lagu loolamayo oo waa mid uu kaga duwan yahay xisbiyada kale oo isaga waxa la odhan karaa waa xisbi ay biyo dhigtay dimuquraadiyadu, oo waa mid qaangaadhnimadiisu tahay mid aan la hawaysan karin, waa marka aad barbar dhigto dhigooda mucaaridka ah ee Waddani Iyo Ucid.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews