marsanews.com
Farmaajo Oo Magacaabay Raysal-wasaare Ku Meelgaadh Ah Iyo Saadaasha Sida Ay Wax Noqon Doonaan
July 25, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Madaxweynaha maamulka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

“Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Maxaa xiga doono xil ka qaadista Kheyre?

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaliya ayaa qaba inay wax kasta ku xirnaan donaan sida xasan Cali Kheyre uu uga jawaabceliya arrintani.

” Haddii uu aqbalo inuu sidaas ku taga, una jihiista waddadii kale ee uu mari lahaa, waxaa laga yaabaa inay taasi fursad u siiso xukumaddu inay sii waddo gorgortankii ay ku jirtay. Balse haddii uu ka soo horjeestana, waxay noqon doontaa maadama aan maxkmad dastuuri ah jirin farogelin beesha caalamka ah in loo baahdo”, ayuu yiri Dr Bursaliid oo wareysii siiyay BBC-da

Dr Bursaliid ayaa intaasi ku daray in arrintani ay “mugdi hor leh” gelin karta kulankii lagu ballansanaa in la isugu yimaada Dhuusamareeb laba isbuuc gudhaood si go’an looga gaara arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu si de deg ah u so magacaabi doono ra’iisal wasaare cusub.

Video caption: Falanqayn: Kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya ee xukuumadda KhayreFalanqayn: Kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya ee xukuumadda Khayre

Ra’iisal wasaare Kheyre wali kama uusan hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaan wali ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay.

Wuxuu ku suganaa magaalada Dhuusamareeb markii xilka ay ka qaadayeen golaha shacabka.

Wuxuu magaaladaasi uga qeybgalay kulankii wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb Khamiistii la soo dhaafay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Kheyre uu maanta dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho.

Waa maalin mugdi ah”– Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow

Mar soo horreysay xildhibaano ka tirsan golaha wasiiradda oo joogay fadhiga barlamaanka ayaa diiday dooda kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyagoo ku tilmaamay go’aanka ridista xukuumadda mid ka timid gudoonka oo kaliya isla markaana aan sharciyad haysan.

“Waa maalin umada Soomaaliyeed mugdi u ah in guddooonka baarlamaanka uu si sharci darro ah udhaqmay. Waxaan laga rabaa inuu keneo caddeyn ah inay dood dhacday, eedeynta loo soo jeediyay xukumadda, xildhibaannada ay koodeen. Waxaas oo dhan ma dhicin, waana nasiib darro”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ah sidoo kale ah wasiirka amniga gudaha

Halkan hoose ka daawo buuq ka dhashay gudaha golaha shacabka ka hor inta aan la qaadin cod gacan taag ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Muddo kordhin ayaa la damacsan yahay

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cadishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa u ku eedeeyay madaxtooyada iyo guddoomiyaha golaha shacabka inay damacsan yihiin muddo kordhin

“Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Farmaajo oo aqbalay xil ka qaadista ra’’sial wasaare Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka ay xilka kaaga qadeen ra’iisal wasaare xasan cali Kheyre.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabi doono “Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah”

Madaxweynaha ayaa uga magadceliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre “hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay” wanaagsan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews