marsanews.com
Farmaajo Oo Markale Shacbiga Reer S/land Xusuustooda Dib Ugu Celiyay Dharaarihii Xanuunka Badnaa Iyo Ujeedada Ka Danbaysa
September 28, 2019 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Horjoogaha maamulka somaliya Farmaajo ayaa shacbiwaynaha reer somaliland dib u xusuusiyay cadaawadii, ladhkii iyo nabaradii damaqa iyo xanuunka badnaa ee nidaamkii kacaankii siyaad bare u gaystay, kadib markii farmaajo uu muuqaalo sawira la soo galay Kornayl Tuke oo ahaa mid ka mida ragii gumaadka iyo xasuuqa axmaqnimada ah u gaystay shacbiga reer somaliland, taasi oo badiba rayul-caamka qabsatay muuqalka sawirkaasi farmaajo la wadaagay jaalihiisa Tuke, iyadoo yeelatay ama ay ka dhasheeen dareen taban oo badiba ka turjumaya raaliahaanshaha iyo taageerada uu farmaajo u hayo baabi’ii iyo gumaadkii ay shacbiga u gaysanayeen gacan ku dhiigle Tuke iyo intii la midka ahayd ba.

Falanqeeyayaasha siyaasada ayaa iyagu badiba ku tilmaamay sawirkaasi farmaajo la soo galay Tuke inuu yahay mid fariin diraya, taas oo ka dhigan inuu farmaajo isu dhigayo mid dib u soo noolaayn karaya kacaankii 21ka oktoobar oo isagu ahaa kii burburka iyo baaba’a u horseeday waxii laysku odhan jiray somaliya, yahayna farmaajo mid haatan ku goodiyaya inuu markaleeto kasban doono awoodihii uu hore umada ugu gumaaday taliskii dhiigyo cabka ahaa ee afwayne bare.

Aan hadaba isyara waydiino waa kuma Tuke

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) waxa uu ahaa taliyaha guutadii shanaad (fifth brigade) ee millatarigii xukuumadii siyaad bare sannadihii sideetamaadkii (1980’s) waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sida arxan-darada ah u gumaadayay shacbiga reer somaliland kiyoo xiligaa fuliyay danbiyo ka dhan ah bila-aadanimada, kadib markuu gaadhay in uu qof nool gubo oo dabqabadsiiyo, taasi iyo kuwa kale oo badan uu Tuke ku sameeyay dad aan waxba galabsan.

Tuke waxa uu caan ka ahaa xiligaa deegaanka gabilay oo ahayd meeshii uu dhibta iyo rafaadka iyo waliba xasuuqa ba’an ka gaystay.

Dhawaan ayay ahayd markii Tuke wadanka maraykanka maxkamad ku taala ay xukun ku riday, kadib markii ay ku cadaatay eedihii loo haystay oo ahaa kuwo la xidhiidha dambiyo dagaal oo tiro badan, kana mid yihiin dilal axmaqnimo ah (atrocities) oo loo gaystay muwaadiniin reer Somaliland.

Xarunta caddaaladda iyo Isla xisaabtanka (The Center for Justice and accountability), ayaa hore u sheegtay in ninkan dambiilaha ah uu xidhay muwaadin magaciisu haa Farxaan Warfaa iyo dad badan oo ay jaar ahaayeen xilli subax hore ahayd sannadkii 1987-kii, dadkaas oo ka soo jeeda Somaliland.

Waxa kaloo xaruntaasi sheegtay in Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka mid yahay taliyeyaashii bilaa naxdinta ahaa ee taliskii Siyaad Barre muddadii 20-ka sanno ahayd ee uu ka talinay Soomaaliya, iyadoo sidoo kale wargeyska The Guardian uu isna hore u faafiyey warbixin tilmaamaysa in Maxkamadaha dalka Maraykanku ogolaadeen in Mr. Tuke lagu dacwayn karo dambiyadii dagaalka ee uu galay, iyadoo muwaadiniin reer Somaliland dacwad ku oogeen ninkaas gacan-ku-dhiiglaha ah.

Hasa yeeshee, weriye ka tirsan qaybta baadhista dabo-galka ah ee CNN (CNN investigation) ayaa ogaaday in ninka la yidhaah Yuusuf Cabdi Cali Tuke yahay kornayl ka tirsanaa millatarii Soomaaliya oo loo haysto dacwado la xidhiidha xasuuq iyo dilal axmaqnimo ah, balse xiligaa uu ahaa shaqsi ka shaqeeya madaarka Dulles Airport oo ku yaal duleedka magaalada Washington, waxaanna wakhtigaa lagu dhalliilay masuuliyiinta madaarkaas in aanay wax aqoon ah u lahayn dadka ay shaqaalaysiiyaan, maadaama hadda la ogaaday in nin gacan-ku-dhiigle ah ku jiro dadka ilaalada u ah garoonkaas diyaaradaha, taas oo keentay in shaqadii laga caydhiyo.

Tuke dhawaan ayaay ahayd markii mid ka mida dadkii uu jidh-dilka ku sameeyay uu maxkamada horteeda kaga cadeeyay gabood-faladii uu sameeyay kuna sameeyay isla ninkaasi halkaasna xukun ay kaga riday maxkamada maraykanka ku taal.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews