marsanews.com
Faysal Cali Waraabe Masuul Liisan Gaara u Haysta Kulanka Madaxda Maamulada Somaliya
November 29, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe oo isagu ah midka ugu mudada dheer gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran islamarkaana ah hogaamiyaha xisbiga ugu faca wayn axsaabta, ayaa leh sifo ka duwan hogaamiyayaasha xisbiyada iyo guud ahaan ba siyaasiyiinta reer somaliland.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu inta badan dhaliilaa oo waliba weedho kulul hawada u mariyaa hogaamiyayaasha maamulada somaliya haday tahay dawlada fadaraalka ee farmaajo horjoogaha u yahay iyo haday tahay kuwa kale ee maamul goboleedadaba, waxaana hadaladaasi iyo weeraradaasi uu ku qaado masuuliyiinta somaliwayn, lidi’geeda ah oo uu ku kacaa waa inuu kulano kala duwan la yeesho, taas oo aan siyaasiyiinta kale ee reer somaliland samayn karin.

Eng, Faysal Cali waraabe iyo madaxda kale ee qaranka somaliland ba way ka siman yihiin durista iyo hirdanka ama maaga maamulka somaliya ee sheegta somaliland waana mid bulshadooda ay la wadaagan, balse waxa ay iswaydiintu tahay, Faysal Cali Waraabe waa maxay liisanka gaarka ah ee uu u haysto la kulanka madaxda somaliya maxayse ka wada hadlaan, waa maxayse waxa uu kaga duwan yahay madaxda kale iyo siyaasiyiinta reer somaliland? oo iyagu haday kulan la qaataan masuuliyiinta somaliwayn, ay qayladu yeedhayso.

Tusaale hadii uu gudoomiyaha xisbiga waddani la kulmo cid ka mida madaxda somaliya waxa aynu wada ognahay in warbaahinta ama (social media) waa baraha bulshadee ay qaylada iyo hadal haynta iyo maagu ba badnaan lahaa, balse faysal isagu ciduu doono intuu la kulmo ayaan hadana laba cali iswaydiinayn, ma sharciyad ama awoodo gaara oo uu si shaqsiya u haysto ayaa jira?

18/07/2018-kii Waxa uu Faysal Cali Waraabe kuala kulmay magaalada Brussels Ee wadanka Belgium madaxwaynaha maamulka somaliya Md, Farmaajo, halkaas oo sida uu faysal sheegay uu kala hadlay arimo la xidhiidha dhinaca mucaawimada, suaasha iswaydiinta mudani waxa ay tahay yaa faysal u dirsaday ee uu xiligaa ku matalayay ma taageerayaashiisa boqolkiiba todobada ah 7% mise isagaa isaga maxaafsi tagay? waa jawaab u baahan ciday khusayso inay umada ka qanciso

Gudoomiyaha Ucid maaha oo kaliya inuu farmaajo la kulmay ee waxa jirta oo aynu la wada soconaa inuu todobaadkan gudihiisa nairobi kualano kula qaatay madaxwaynaha maamulka somaliya ee jubaland, tiyoo markasta ay ku gadaaman yihiin dareeno taban oo bulshada ku dhaliya iswaydiimo aan wali jawaabtooda la hayn kuwaas oo ah suaal isku soo noqnoqonaysa oo odhanaysa awoodaha gaarka ah ee uu faysal kaga duwan yahay madaxda kale ee qaranku waa maxay, ileen hadii siyaasi kale kulanadaasi badheedhka ah la yeesho masuuliyiinta somaliya waynu ognahay dareenada iyo falcelinta ka dhalanaysa

Gabgabadii ma odhan karnaa faysal waa dilaalka siyaasada somaliland iyo somaliya mise waxaynu ugu yeedhi karnaa waa siri-daali madaxda kale ee dalka xogo badan ka haya oo maba jirto cid ka badqabta xidhiidhada somaliya ay madaxda somaliland la yeelatay.

Dabcan waa arin mudan iswaydiinteeda in la helo badheedhaha faysal ee kulanada madaxda somaliwayn uu la qaato waxa ay daaran yihiin iyo cida uu ku matalo ee uu ka turjumi karo masayrkooda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews