marsanews.com
Gaboose’ Waanadayda Qaata Ana Haygu Mashquulina
May 5, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Xaalada dunidu ku sugan tahay oo ah mid walaac badan iyo warwar ba hadheeyay, ayaa somaliland oo ah wadan yar oo dunida aan wali aqoonsi buuxa ka haysan, ay dhakhatiirteeda iyo aqoon-yahankeeda, ama siyaasiyiintoodu ay badiba yihiin kuwo ay u muuqato danahooda gaarka ah ee aan ahayn kuwo ahmiyad buuxda siiya danaha guud ee dalka iyo dadkaba.

Dr, Gaboose oo ah dhakhtar caan ka dhex ah bulshadiisa aqoon caafimaadna aynu ku ognahay, islamarkaana in badan bulshada ku guubaabiya siyaabaha lagaga sabato-bixi karo cudurkan dunida aafeeyay, ayaa muuqalkii iyo tusmadii guubaabada ahayd ee uu umadiisa kula talinayay, isagii yeelan waayay sawirkeedii oo uu noqday mid buriya tusaalihii loo baahnaa inuu noqdo oo umadu kaga dayato, balse waxa uu noqday taa badalkeeda oo waxii uu bulshada ka waaninayay ayuu isagu sameeyay.

Dr, Gaboose oo badiba xiliyada uu warbaahinta ka hadlayo si sahlan u qabsada dhagaha bulshada kuna kasbada hadalada qiirada leh ee uu jeedinayo oo haatan fahan kale ka soo dhexbaxeen kadib markii uu sameeyay kulan wadareedkii uu ka dayrinayay.

Dhanka kale waxaan iyana la hilmaami karin in gaboose uu yahay siyaasi oo taa lafteedu aanay xeeladaheegu ka madhnayn markasta waxa uu gudbinayo, oo mihnadiisi caafimaad iyo damaciisa siyaasiga ahi ay xiliyo badan iska hor-imanayaa, oo isdiido badani ka dhex dhalan karto.

Inbadan oo bulshada ka mida oo hore ula dhacsanayd hadalada qiiradu ku ladhantay ee gaboose, ayaa haatan si ba’an u falanqaysay habdhaqanka muuqalka marka qudha qabsaday baraha bulshada ee ahaa kulankii uu isagu keenay shaqaalihiisa hablaha u badnaa ee isna uu dhexda ugu jiray oo laba dhinacba aanay u haboonayn.

Waa ta koowaad ee waxay meesha ka saartay jiritaanka xaqiiqada hadaladii guubaabada iyo talada caafimaad ee uu umada la wadaagay kuna taliyay in la kala fogaado si looga badbaado fiditaanka xanuunka corona-virus.

Mida labaad anshaxa iyo asluubta suuban iyana meelna kama soo galayso in hablo shaqaalihiisa ah uu dhexdooda fadhiisto oo waa tilmaan xun oo aan sinaba ku fiicnayn in muuqal noocaas oo kale ah bulshada soo dhexgalo balse hadaanu dhakhtarku samayna muu ahaadeen mid umaduba aragto oo waxaan jirin cidina ma hesho mana soo gaadho.

Gabagabadii waxa mudnayd in uu tusaalaha umada noqdo gaboose maadaamo uu yahay culumadii caafimaadka islamarkaana uu dabaqowaxa uu umadiisa u gudbinayo ee uu talo iyo tusaaleba ugu sheegayo, taasi ayaa noqon lahayd mid uu galad iyo amaan ba ku mutaysan lahaa oo bulshaduna kaga dayan lahayd balse maanta xaajadiisu miyaanay noqonayn (Waxaan Anigu Yeelan Hadana La Yaaba) oo ujeedadeeda macnaheedu noqonayo waxii aan ka digayay ayaan anigu samaynayaa, taasi waxay ka dhignaanaysa hadba sidaan yeelo ayaa sax ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews