marsanews.com
Gardarada Maleeshiyada Maamul Goboleedada Somaliya Iyo Guusha Ciidanka Qaranka + Dabinada Farmaajo Iyo Gaas Ee Shacbiga Puntland
May 29, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Qoraa Marwo Degmo oo qormo xiiso badan kaga faaloonaysa colaada deegaanada tukaraq ee maleeshiyada maamulada somaliya dagaalada ku soo qaadayaan ciidamada difaaca qaranka somaliland ayaa qoraal nuxur xigmadaysan xanbaarsan oo nuqul ka mida ay ay soo gaadhsiisay shabakada wararka ee Marsanews kaga hadashay arimo dhawra oo qodabaysan waxaanu qoraalkeedu u dhignaa sidan:

Sida aan la wada socono waxa isa so soo taraya weereada gaadmada iyo garadarada iskugu jira ee lagu so qaadayo ciidamada qaranka jamhuriyada Somaliland ee ku sugan xuduuda aan la wadaagno dalka somaliya.

Weeraradan kagaga imanaya maleeshiyaadka Puntland oo taagero ka helaya horjoogaha dawlada aan isked isku maamuli Karin ee farmaajo Oo ay laf dhuun gashay ku noqotay qaranimada, horumarka, kala dambaynta, isku tiirsananta, isku tanasulka iyo nabada ay ku caana maashay jamhuriyada Somaliland.

Horjoge farmajo aya hadafkiisa koowad uu yahay inuu inta uu xilka hayo kaga faaidaysto jaanisna u helo Fulinta iyo abaabulida arimo ku lidi ah Somaliland, alle kuma aqbalo ayanu ku lenahay.

Hadaan intaa kaga so gudbo gogol dhiga qormada oo Aan wax ka idhaahdo qodabada sadexda ah

  1. GARDARADA MAMULKA PUNTLAND Maamulka garoowe ayaa caado ka dhigtay weraro gaadmo ah oo ay isku biimaynayaan Tan iyo intii farmaajo horjogaha ka noqday maamulka muqdisho Waxayna weraro ku so qaaden cidanka qaranka jamhuriyada Somaliland dagaalo aan tiro lahayn, Beesha caalamka oo dhawr jeer isku dayday inay arinta soo dhex gasho ayaan wax guula ka gaadhin Ka dib marki horjoge gaas noqday ka mar walba ka baxayay heshiska wada hadalada isla markasiina sii watay gardaroyinkisa garabka og ee Daandansiga Somaliland.
  2. Dhinaca kale Farmaajo oo ah hogaamiye qabyaaladu biyo dhigatay isla markana uu dishoday necaybka Uu u qabo dadka iyo dalka Somaliland ayay horjoge gaas isku afgarten islana meel dhigen duulan baladhan oo lagu qado Somaliland iyago isku duuban Hadaba maamuladan ululaha boocaha ah ku tukubaya ayaa isku habarwacday oo hub iyo ciidan Iyo waxay awood lahaaba isku geeyay Soona dhoobay jiida hore dagalku ka socdo “CIIDAMADA SOMALILAND GAFKA UMA DULQAATAAN GARDARADA MA YEELAN GEERIDA MA DIIDAN” GARABSIINTA FARMAAJO EE DAGAALKA TUKARAQ: Horjogaha maamulka muqdisho ayaa taageero toosa iyo mid dadbanba La agtaagan maleshiyaadka Puntland ee u dabada ka riixayo Somaliland ayaa hayso caydamo ku filan o ay arintaa Bilihi an so dhaafnay ayaa sida warbahinta iyo baraha bulshada lagu so gudbinayay Waxay shacabka Somalia ku noqotay arin aan isqabanayn Alshababab oo dardar cusub la so baxday weraro laxadlana gaysanasa iyo horjoge farmaajo O hoy ka dhigtay wasarada gaashan dhiga ee maamulkisa shegayna inu diyarinayo guluf Weerara al shabab. Dadku may fahansanyne waxa la diyaarinayay xeelado dagaal o ku wajahan jamhuriyda Somaliland. Shacabki Somalia u dhaga taagayay gufulufki farmaajo shegayay ayaa waxay markaliya ku warhelen Dagaalka tuka raq ka bilaabmay waxay xaqiqsaden in gulufki uu diyarinayay horjoge farmaajo uu ahaa Qorshe dagaal ka dhana Somaliland iyado la so gashanayo shaadhka maleshiyadka Puntland. Waysa ku fashilmen wana laga guulaystay. “Farmaajoy taladaa dam weeyo damdagiigan weeye Daggalkad ku dhalatiyo dalka hooyo talidii Shisheeyaha udaba joog”
  3. GUULAHA SOMALILAND KA GAADHAY DGALKA TUKA RAQ: geesiyada jamhuuriyada Somaliland ayaa jilibka ulaabtay isla markana jabiyay maleeshiyaadki isku dhafka ahaa ee ay dabada ka riixayen horjoge farmajo iyo gaas maleeshiyaadka puntland ayaa weraro gaadmo o is daba jooga ku so qaadayay ciidamada j. Somaliland hase yeeshee waxay marwalba kala kulmayee difaaca cidanka Somaliland oo u diyaarsan raamsashada cadow kasta oo soo hungureya dalkeda dhirbaaxo kulul. Ka dib dhawr jeer o ay so qaaden dagaalo baladhan o gaadmo ah o ay ku fashilmen Waxay farmaajo iyo gaas so diyaariyen ciidamo tababar khaas le o qalabaysan o ku dagaal galya Hub casriya iyo cidamada bada o hub casriya sita o ay Somaliland cadayntodi hayso. Waxayse aanay ogaynciidankan ay afka uso dhiganayaa inu yahay ciidanki afka dhuka ugaliyay Islamarkana albaabada ulaabay dawladi Africa ugu quwada waynayd. Isku so wada duubo ciidamada geesiyasha ee qaranka Somaliland on kama’a ka galin.. Adhax ka jabinta cadowga ayaa sidii lagu yaqanay u quus gooyay isla markana cagta mariyay Maleshiyaadki isaso ururdasaday, gaadhsiiyayna khasare laxadle o naf iyo maalba le, Kana furtay saanad military kana qabtay maxaabiis dagaal o ad u badan. Isku so wada duuboo jabkii gaadhay maleeshiyadka is huwanta ahaa Ayay cashar u noqotay dhirbaaxdii ciidanka qaranka Somaliland ku dhufteen isla markana aan laga yaabin inay mar dambe uso hurgurodan werar dambe ku so qaadan ciidamada libaaxyada ah ee qaranka jamhuriyada Somaliland ee jeenyaha fidsaday jiida hore dagaalka. Qalinkii Qoraa Degmo 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews