marsanews.com
Go’aamada Ka Soo Baxay Shirkii Garoowe Ayaa Noqday Kuwo Anfariir Ku Riday Maamulka Farmaajo
March 17, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Puntland ayaa War Murtiyadeed kasoo saartay Shirkii Wadatashiga Puntland ee Saddex maalin ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirweynaha ayaa soo jeediyey in la adkeeyo midnimadda iyo wadajirka Soomaaliya, iyaddoo loo marayo nidaamka Federaalka.

Madasha shirka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo dhigo hanaanka dhameystirka dastuurka ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, maadaama habka hadda loo waddo aanan loo dhameyn, sida lagu sheegay qoraalka.

Shirka ayaa ugu baaqay saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya in ay xoojiyaan taageerada barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland.

Qoraalka ka soo baxay shirka ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka soo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana u awood-sheeganeyso maamulada, ayna cabudhineyso siyaasiyiinta ka soo horjeeda mabda’ooga.

Sidda ku xusan war-murtiyeedka , shirku wuxuu cambaareeyay faragelintii ciidan ee ka dhacday doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyo si lamid ah tan ka socota Gedo.

Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha.

Madasha oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan kun ergo ah oo isugu jirtay goleyaasha dowladda Puntland, madax haatan xilal ka heysa waddanka iyo siyaasiyiin ayaa socday muddo saddex maalmood ah.

Qodobka 10-aad ee War-murtiyeedka, ayaa lagu go’aamiyay in Xukuumadda Puntland oo ka wakil ah shacabkeeda, ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo baal-marista Nidaamkii dowladnimo ee lagu heshiiyay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews