marsanews.com
Golaha Taageerada Kulmiye Oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dagaalka Ehliga Ahi Ku Dhexmaray Ceel-afwayn
May 15, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Gudida golaha taageerada kulmiye oo ku hadlaya afka gole waynaha ayaa ayaa war murtiyeed ay soo saareen nuxurkiisu ahaa baaq nabadeed oo ay u dirayaan beelaha walaalaha ah ee dirirta colaadeed ku dhex martay deegaanda ceel-afwayn, war murtiyeedka oo shabakada wararka ee marsanews nuqul ka midi soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

Sida aynu la wada socono waxa soo noqnoqotay colaad dhib wayn ku haysa dhamaan geedi-socotka bulshada reer somaliland ee ku dhaqan gobolka sanaag gaar ahaan degmada ceel-afwayn.

Dirirtan oo si guud iyo si gaaraba u ragaadisay nabad ku wada noolaanshihii beelaha walaalaha ah ee degan deegaankaasi.

Hadaba iyadoo ay waajib qaran iyo mid umadeed ba tahay ilaalinta nabada iyo xaqdhawra xuquuqda muwaadinka oo dastuurka qaranka jamuuriyada somaliland qorayo, ayaa araintani ay noqonaysaa mid dhamaanba geedi-socotkii dhismaha qaranka iyo hiigsiga horumarka bulshada mid boqnaha goynaysa.

Sidaa awgeed iyagoo golaha taageerada kulmiye  ilaalinta nabada iyo xasiloonida dalka iyagoo ka duulaya waxay baaq nabadeed u dirayaan dhamaan beelaha dirirta ehliga ahi ka dhaxayso.

. Golahu waxuu taageersan yahay in xukuumadu si dhamaystiran u sugto abniga muwaadiniinta ku dhaqan deegaanka.

. Goluhu waxa uu aad uga xun yahay dhimashada aan loo aabo yeelin ee nolosha ibni’aadamka karaamaysan iyo dhiig daadinta diinteena suubani xaarantinimaysa.

. Golahu waxa uu si walalnimo iyo bila’aadanimo ku dheehan tahay uga dalbanayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso wada degana deegaankaasi inay colaada joojiyaan.

. Goluhu waxa uu si mugle ugu mahad celinayaa ciidamada qaranka somaliland noocyadooda kala duwan ee ka qayb qaatay joojinta dhiiga dadkaa walaalaha ah ee daadanaya iyo wasaarada masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha iyo waliba dhamaan bulshada cidii wal ee qayb ka noqotay gurmadka daminta colaada ehliga ah.

. Gudida goluhu waxay u mahad celinayaan dhamaan taageerayaasha xusbiga kulmiye gaar ahaan xubnaha Golaha Taageerada Kulmiye ee ku bahoobay golahani meelkastoo ay dunida ka joogaan ba iyagoo uga mahadnaqaya sida ay uga qayb qaateen Baaq nabadeedkan uu goluhu soo saaray.

Gudida Golaha Taageerada Kulmiye

  1. Maxamed Axmed Daahir (Ugaas)
  2. Eng, Axmed Abdirahman
  3. Saleeban Aadan Faarax (Carablow)
  4. Ibraahin Guuleed Caydiid (Xabo)
  5.  Xaliimo Cabdi Obsiiye
  6. Ccaasha Buraale
  7. Ifraah Hussein
  8. mohamed Mohamuud Sheikh
  9. Mohamed Awr-liqe
  10. Saamiya Fiishar
  11. C/risaaq maxamed Axmed
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews