marsanews.com
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Noqday Kuwo ku Lacaabaya Hantida Iyo Dhaqaalaha Ganacsatada Dalka
March 7, 2020 - Written by editor marsan

Haregisa:(Marsanews) Mudo ku dhaw sagaal sano ayaa laga jooga xiligii golaha wakiilada somaliland ay u gaar yeeleen in uu dalka keeno xadhiga Internate-ka xawaarihiisu sareeyo ee (Fiber optic) ganacsade ka mida ganacsatada dalka ugu waawayn, kaasi oo dalka markii u horaysay ka hirgaliyay keenista xadhigaasi.

Ganacsadaha shirkada isgaadhsiinta ee Somecable ayaa keenista xadhiga internate-ka xawaarihiisu sareeyo ee (Fiber optic) ka soo jiiday wadanka jabuuti, isaga oo soo mariyay dhulka, galiyayna dhaqaale badan oo sahlay helista internate xawaarihiisu sareeyo, kadib markii 2011-kii golaha wakiiladu u ansixiyeen xeerka uu dalka ku keenay xadhigaasi internate-ka ah.

Ganacsadahan iyo shirkadiisa isgaadhsiinta ee haatan gacanta ku haya adeega internate-ka (fiber optic) ayaad moodaa in haatan dagaal dhaqaale oo ka dhan ah uu jiro, taasi oo marageedu noqonayo xildhibaanadan haatan mooshinka keenay iyo inta kale ee maanta gacanta u taagtay mashruucan somcable la dirirka ahiba ay yihiin kuwii tagtadii ina dhaaftayna kootada ugu xidhay somcable, haatana sheegaya in ay danaynayaan dhaqaalaha dalka waa sida ay hadalka u dhigayaane, balse ay ka muuqato kor u qaadista dagaal dhaqaale oo si qaawan loogu soo qaaday shirkadan hantida badani kaga baxday keenistii xadhiga internate-ka suurtagalisayna helista internate xawaarihiisu sareeyo, tiyoo ay dhaqaale aan la qiyaasi karin kaga baxaday hirgalintii mashruucaasi.

Iskaashiga dagaalka somcable oo ay shuraako ku yihiin qaar ka mida shirkadaha isgaadhsiinta sida Somtel iyo Telesom ayaa iyana ay weheliyaan masuuliyiin iyo xildhibaanada dhaameel u dirirka ah ee aan tudhaalaha ganacsatada iyo hantidooda midna u miidaan dayin, balse yaqaana gowskooda iyo waxii uu qaadi kara uun.

Golaha wakiilada somaliland waxa uu ciyaar iyo lacaaba galiyay hanti iyo dhaqaale farabadan oo shirkada somcable ka gashay keenistii sida hagar la’aanta ah ay dalka ku soo gaadhsiisay xadhiga internate-ka oo haatan si qumaati ah dalka uga shaqeeya, iyagoo aan ka fikirin muwaadin ka ganacsadaha ah hantidii ka gashay iyo xeerkii ay hore ugu ansixiyeen keenista xadhigaasi.

Khataraha dhaqaale ee ay horseedi karto arimaha noocan oo kale ahi waxa ay noqonayaan kuwo ay dumadooda tahay cidii wal ee ka qayb noqota hirgalinta aragtiyaha dhaqaale burburinta ku noqonaya ganacsatada dalka oo hadba sidii la doono ay ka yeeli karaan cidii midida daabkeeda haysa. waana duruufo inay soo noqnoqdaan ay sahlantahay marka aad eegto sida sharciyada iyo qawaaniinta dalka loogu tumayo ee ay hadba sidii la doono loo dhigayo islamarkaana xaajadu ay noqonayso la jiifiyaana banaan la toosiyaana banaan.

Raaligalinta masaalixa dhaqaale ee dahabshiil iyo telesom ma noqon karaan kuwo si toosa uga turjumi kara waaqica dhabta ah ee dalka iyo xaaladaha nololeed ee ku gadaaman, baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada reer somaliland, waa suaal mudan iswaydiinteeda oo aan u dhaafayo akhristayaasha sida fiican ula socdo, gedgedoonka xildhibaanad golaha wakiilada somaliland ee aanay mahadinin shacbigii soo doortay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews