marsanews.com
Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Wasiirka Warfaafinta iyo W/Ku-xigeenka Waxbarashada
November 17, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Md. Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur.

Fadhigan  oo ay ka soo xaadireen 53 xildhibaan ayaa waxa shir gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, taasoo xildhbannadu cod gacan tag ay u qaadeen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md Maxamed Muuse Diiriye, waxana  ogolaaday 44 xildhibaan,   halka uu ka aamusay 1 xildhibaan,  islamarkaana ay diideen 7 xildhibaan, guddoomiyuhuna aanu codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay.

Geesta kale xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Axmed Xasan Nuur, waxaana ogolaaday 52 xildhibaan halka aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay guddoomiyuhuna aanu codeyn sidaana uu ku meel maray.

Codeynta ka hor Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigalinta Md Maxamed Muuse Diiriye ayaa xildhibaannada ugu warbixiyey hawsha qaran ee ay qaranka u hayaan, waxaanu  sheegay in muddadii uu wasaaradda joogay ay waxyaabo badani u hirgaleen,wuxuuna xusay in ay ka shaqaysiiyeen qalab soolar oo dabka looga dhallinayo wasaarada islamarkaa ay dayactir ku sameeyeen mishiibnada siraada Wasaaradda qaarkood oo fadhiyey.

Wasiirku wuxuu   intaa ku daray idaacadda quraanka kariimka ah ay idaacada Radio Hargeysa la wadaagto si wararka ka baxa Radio Hargeysa looga dhegaysto dhamaan gobollada dalka.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in idaacada iyo telefishankaba ay ku soo kordhiyeen  barnaamijyo kala duwan oo bulshada lagu dhiirgalinayo aqoontoodana kor loogu qaadayo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews