Goob Ka Mida Goobaha Diwaangalinta Magaalda Laascaanood Oo Caawa Bam Lagu Tuuray Iyo Khaasaraha Ka Dhashay
January 12, 2021 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Magaalo madaxda gobolka sool ee laascanood oo ay si rasmiya uga socotay diwaan galinta doorashooyinka, ayaa lagu soo waramayaa in caawa goob ka mida goobaha layska diwaan galiyo lagu tuuray bam.
Sida aanu wararka ku helayno waxa caawa bam lagu tuuray mid ka mida goobaha ay ka socoto diwaan galinta codbiyayaasha ee magaalada laascaanood, islamarkaana ay halkaas khasaare dhaawac ahi ka soo gaadheen laba ka mida askartii bilayska ee ilaalada u ahayd goobtaasi.
Wakhtiga bambada lala beegsaday goobtan diwaangalinta ayaa ahayd wakhti aanay shaqo ka socon oo ay ku sugnaayeen uun ciidamada bilayska ee goobta ilaaliya
Wararka soo gaadhaya marsanews, ayaa intaasi ku daray in weerkan bamka ah aan ilaa hada lahayn cidii soo tuurtay balse ay ciidamada amaanku wadaan baadhis,