marsanews.com
Guddiga Anshaxa Ee Komiishanka Doorashooyinka Oo Digniin Kama Danbeys Ah u Diray Axsaabta Siyaasadda
August 11, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Guddiga Anshaxa u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani, UCID u diray digniin kama danbeys ah, iyagoo uga digay inay sameeyaan olole baal-marsan sharciga, iyagoo u soo jeediyey inay ku dhaqmaan xeerkii anshaxa ee ay hore u saxeexeen.

Sidaana waxa lagu caddeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Anshaxa u qaabilsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay ku saxeexan yihiin Afar Xubnood oo Guddigaasi ka mid ah, waxaanu u qornaa sidan “Tixraac qoddobka 7aad farqadiisa 13 iyo 14 ee Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasadda ee kaadh-qeybinta lana saxeexay April 2017, tixraac tallo soo-jeedin guddida anshaxa 13 July 2017, tixraac go’aanka Anshax Marinta ee Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhan ka ahaa xisbiyada Waddani iyo Kulmiye sumadiisuna aheyd KDG/XK/089/2017 kuna taariikheynaa 17 july 2017, sidoo kale tixraac war-saxaafadeedkayagii bore ee sumadiisuna ahayd TIX:KDQ/GA/001/2017

Annagoo ogsoon in Xisbiyadda UCID, Kulmiye & Waddani ay wali sii wadaan olole sharciga baalmarsan oo ay ka wadaan degaan kala gedisan oo ka mid ah Somaliland, Waxaanu Komishanka Doorashooyinka u soo jeeedinayenaa in & Ciddii ay khusayso

In la fuliyo qodobadda ku xusan go’aankii hore ee Anshax marineed.

■In la xakeemeyo gawaadhida ay wattaan xisbiyadu si waafaqsan go’aankii anshax marineed ee ka soo baxay KDQ ee ahaa in aanay ka badan 5 gaadhi.

In laga hor istaago ololaha sharicga baalmarsan ee ay wadaan iyadoo lala kaashanyo ciidammada amniga.

In Hoggaanka xisbiyaddu ku waantoobaan kaambeynka tooska isla markaana ay ku eekaadaan gudbinta farriinta kaadh-qaadashada iyagoo ixtiraamiya xeerka ay saxeexeen.

XUBANAHA GUDDIDGA ANSHAXA EE K.D.Q.

Sucaad Ibraahim Cabdi Guddoomiye

Cabdiqaadir Cismaan Xasan Xoghaye

Aadan Xuseen Muxumed

Yasiin Qallinle

Cali Sh. Xubin.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews