marsanews.com
Gudoomiyaha Ucid’ Culimadii Barigii Hore Dhaqaale May Lahaan Jirin, Ducaduna Way Ka Dhici Jirtay, Laakiin Qoladiinan Maantu Dhaqaalaha Idinka Ayaa u Badan Oo Sadaqadana Aad Uma Bixisaan
June 8, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa hadalo kaftanleh ku tuuray Culimo-udiinka Dalka waxa uu u sheegay arimo lagu xanto oo suuqa ugu jira inta badan Culimadda wakhtigan Hogaanka u haysa Somaliland.

Arintaasi oo ah inay Maalqabeen yihiin islamarkaana aanay si fiican u bixin sadaqada, isagoo tusaale ugu soo qaatay Culimadii hore oo uu sheegay inay ahaan jireen kuwo aan dhaqaalaha danayn islamarkaana Ducadooda la aqbali jiray, waxa kale oo uu Fariin Culus u diray Maamulka Garowe oo uu ugu hanjabay inay joojiyaan Tolaay yaa reer Hebelayda.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka jeediyay Madal ilyartu isqabatay oo ay iskugu yimaadeen Culimo-udiinka Somaliland gaar ahaan Culimada ku dhaqan Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Afur ugu sameeyay Doraad Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxaanu gudoomiye faysal hadalka ku bilaabay sidan:

Inaga Diinteena Iyo Maamulkeenu makala baxaan, Gaaladu markii diintii Christiyaanka ahayd fasaqantay ee Shuyuukhdii Kiritaanku ay Buuri Cun noqdeen ee ay bahashii nasakheen ayay shacbigoodii garteen in la kala saaro Diinta iyo Dawladnimada (State-ka) waxay waxaasi oo dhami ku sugnaayeen Ayaaddii uu inoo akhriyay Sheekh Jaabiri, Taasi ayaa waanadii saxda ahayd ina siiyay.

Waxa kale oo uu yidhi Maanta dalkeenu maalin uu ka Culimo badan yahay oo uu ka Mutacalimiin badan yahay intaan anigu jiray ma jirto, Waliba Maanta Waxay Culimadu u badan tahay Bariga, haddana waa maalintaynu ugu dhiig badan nahay oo aynu ugu Dhimasho badan nahay, ee aynu ugu Qabyaalad badan nahay, Malaha Diintu Barigii ay Galbeed ka iman jirtay way ka dhiig yarayd oo way ka fiicnayd, Qolodan barigu waxaan umalaynayaa Diintii iyo Qabyaaladii midba jeeb ayay galiyeen oo Markaasi ayay  waliba Qabyaaladii ka xoog badnaatay.

Waxaan leeyahay maanta waxaa inagu yaala Dhawr gantaalood, ta ugu darani waa ta Ceel afweyn, Waa arin xun, waa bar madaw oo inagu taala, Culimadeenuna kamay hadlin, Culimadii Barigii Hore dhaqaale may lahaan jirin ma ogtahay, qoladiinani maanta dhaqaalaha idinka ayaa u badan oo Sadaqadana aad uma bixisaan ayaa la igu yidhi, markaa waa inaan arintaasi Ceel Afweyn u gurmano.

Waxa kale oo uu yidhi isagoo ka hadlaya arinta Tukoraq Arinta Tukoraq, Haddii aanad Kalmatul Xaq ku hadlin waxba ma hagaagayaan, Waxa ina Qasayaa waxa weeyi waa reer Garoowe, Reer Garowe dhibaatada Soomaali haddii aad Taariikhda akhridaan illaa maalinti la isku darsamay illaa maanta dhibaatada Soomaalidu waa iyaga Markay hadda ka soo jeedsadeen Soomaaliya ee ay Shan Madaxweyne u sameeyeen oo ay Xabaashii ku rideen ayay inaga inoo soo jeesteen, waa nimankaasi aad arkayso Maanta Casriga la jooggo leh Tolaay yaa reer Hebelaay, Tolaydaasi Tukaraq ku joogi mayside illaa Kismaayo ayaad isqabsan doontaan sidii sagaashankii.

Culimadeenu waay ina waaninaysaan, Madaxweynaha waxaad leedihiin jooga, Halka Iyaga Culimadooduna ay u soo cabaynayaan, taasina waa ta aynu ku kala duwan nahay markaas arintaasi waan la qabnaa Madaxweynaha siyaasadiina anagu difaac ayaanu nahay, waar naga jooga Laakiin haddii ay joogsan waayaan Seeftii Cumar Binu Khadaab ayaynu qaadanaynaa Insha Allah.

Ugu damayn waxa hadaladiisa ka mid ahaa Marka dambe ma joogsanaynee Garoowe ayaynu tagi soo noq noqodkaasi ayaa inoogu wacan waxaasi oo waa kuwaa imikaba soo bu’aya.

Anagu Soomaaliya dhibaato umaanu gaysan 27-Kaasi sano, Dharkeena ayaynu kab kabanaynay, iyagana ilaahay miyirka hasiiyo oo Qabyaalada haka saaro, Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews