Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Madaxwaynaha Jubaland Oo Kulan Ku Wada-yeeshay Nairobi
November 27, 2019 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiyaha xisbiga maucaaridka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha maamulka Soomaaliya ee Jubaland Mudane Axmed Madoobe.
Kulankan oo ka dhacay magaalo madaxda wadanka Kenya ee Nayroobi ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya iyo Somaliland.
Faysal ayaa hore taageero ugu muujiyay Axmed Madoobe markii xukumadda Farmaajo culayska siyaasadeed ku haysay Jubaland waxaana kulankan ku weheliyay Maxamed Aadan Ilkacase agaasimihii hore ee wasaaradda shaqo gelinta Somaliland oo ka qayb galay caleemo saarkii Axmed Madoobe.
Ma jiro wax faahfaahin rasmiya oo ka soo baxay kulanka labada dhinac ku dhex maray nairobi, balse ilo wareedada ayaa sheegaya in jawi qurux badan ay ugu soo dhamaatay labadaasi masuul ee kala ah gudoomiyaha xusbiga Ucid, iyo Madaxwaynaha maamulka somaliya ee jubaland Md, Axmed Madoobe.